Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Mareykanka Oo Ku Hanjabay In Uu Burburin Doono Dhaqaalaha Turkiga

focus

Madaxweynaha Mareykanka Oo Ku Hanjabay In Uu Burburin Doono Dhaqaalaha Turkiga

(SLT-Washington)-Madaxweynaha mareykanka Donald Trump ayaa ku goodiyay inuu burburin doono dhaqaalaha Turkiga waa haddii Turkiga uu weerar ku qaado xoggaga Kurdiyiinta ee ka dagaallama dalka Suuriya kaddib markii Mareykanka uu bilaabay qorshe uu ciidamadiisa kaga soo saarayoo dalka Suuriya.

Qoraal uu bartiisa Twitter-ka kusoo qoray wuxuu Trump sheegay uusan dooneynin in kooxda Kurdiyiinta ee xukuumadda Ankara ay u aqoonsan tahay argagixisada aanan la daandaasan.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa si caro leh uga jawaabay tageerada Mareykanka ee kooxda Kurdiyiinta, wuxuuna ballan qaaday inuu cagta marin doono maleeshiyaadka Kurdiyiinta.

Amiir sare oo ka tirsan qoyska boqortooyada Sucuudiga, Turki Al Feysal ayaa BBC u sheegay in haddii uu Mareykanka kala soo baxo ciidamadiisa dalkaa Suuriya ay dan ugu jirto dalalka Iran, Ruushka, Suuriya iyo Bashaar Al Asad.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top