(SLT-London)Manchester United ayaa guul dahabi ah ka soo gaadhay Tottenham iyada oo Marcus Rashford uu noqday xidiga kulankan ku go’aamiyay goolka kaliya ee ay United saddexda dhibcood kaga soo xoogtay Spurs. Guusha Man United waxaa gun dhig iyo mucjiso wayn u ahaa bandhigii David De Gea uu kala soo muuqday Wembley Stadium.
Manchester United ayaa sii joogtaysay rekoodhka guulaha ee ay ku soo jirtay tan iyo markii Jose Mourinho shaqada laga caydhiyay iyada oo lix kulan oo uu Ole soo maamulay United ay dhamaantood soo wada guulaysteen, laakiin guusha Tottenham ayaa noqotay mid cadayn buuxda u noqotay sida Jose Mourinho looga raystay.
David De Gea ayaa sameeyay 11 gool badbaadineed waana rekoorkii labaad ee abid ugu fiicnaa ee uu sameeyay iyada oo kulankii Arsenal ee December 2, 2017 uu ahaa kulankii uu 14 gool badbaadin ka sameeyay waxayna Tottenham guuldaradan ula kulantay in De Gea uu 11 jeer goolal ka joojiyay.
Man United ayaa soo qabtay kooxda kaalinta shanaad ku jirtay ee Arsenal iyaga oo min 41 dhibcood wadaaga waxayna hadda Red Devils lix dhibcood u jirtaa kaalinta afraad taas oo muujinaysa in hadda ay rajo wayn ka leedahay kaalmaha sare.
SHIXIHII LABADA KOOXOOD:
MANCHESTER UNITED (4-2-3-1): David De Gea; Ashley Young, Victor Lindelof, Phil Jones, Luke Shaw; Ander Herrera, Nemanja Matic; Jesse Lingard, Paul Pogba, Anthony Martial; Marcus Rashford.
Kaydka: Fred, Diogo Dalot, Juan Mata, Andreas Pereira, Scott McTominay, Sergio Romero, Romelu Lukaku.
TOTTENHAM (4-3-1-2): Hugo Lloris; Kieran Trippier, Toby Alderweireld, Jan Vertonghen, Ben Davies; Moussa Sissoko, Harry Winks, Christian Eriksen; Dele Alli; Harry Kane, Son Heung-min.
Kaydka: Erik Lamela, Davinson Sanchez, Paulo Gazzaniga, Danny Rose, Oliver Skipp, Juan Foyth, Fernando Llorente.
Manchester United ayaa kulankan iskeentay iyada oo xaalad cajiib ah ku soo jirtay waxayna halkeeda ka sii wadatay qaab ciyaareedkii ay ku soo raaxaysanaysay tan iyo markii uu Ole shaqada ka badalay Jose Mourinho laakiin Tottenham ayaa doonaysay in ay guushii labaad ee Premier league ay xili ciyaareedkan ka heli kartay United.
Daqiiqadii 18 aad Martial ayaa ku dhawaaday in uu Man United u keeno goolka furitaanka kadib markii uu Trippier qalad sameeyay laakiin goolhaye Lloris ayaa kooxdiisa Tottenham fursadan ka joojiyay.
Daqiiqadii 31 aad Harry Kane ayaa shabaqa soo taabtay kadib kadib markii uu karoos fiican ka helay Trippier laakiin waxaa goolkan loo diiday in uu offside jiray waxayna labada kooxood sii wateen dagaalka xoogan ee ay goolka furitaanka lagu raadinayay.
Daqiiqadii 44 aad Man United ayaa ugu danbayn jabisay ismari waagii ciyaarta kadib markii uu Marcus Rashford noqday xidiga kooxdiisa United kaga farxiyay goolka muhiimada khaaska ah u lahaa isaga oo ka daba baxay Vertonghen isla markaana si fiican uga faa’iideeyay kubbad caawin uu ka helay Pual Pogba.
Ciyaarta ayaa noqotay 1-0 ay Man United hogaanka ku qabtay laakiin Man United ayaa qaab ciyaareedkeedii xili ciyaareedkan ugu fiicnaa kala soo muuqatay Wembley Stadium iyada oo muujisay horumarka la taaban karo ee ay ku hoos sameeyeen Ole Gunnar.
Daqiiqadii 56 aad ee qaybtii labaad ee ciyaarta Man United ayaa ku dhawaatay in ay keenato goolkeeda labaad kadib markii uu Pogba meel fiican ka toogtay goolka Spurs laakiin goolhaye Lloris ayaa awooday in uu kooxdiisa ciyaarta ku sii hayay.
Tottenhama ayaa bilawday weeraro halis ah waxayna heleen fursado xidhiidh ah oo ay goolal dhawr ah ku dhalin kareen laakiin goolhaye David De Gea ayaa la soo baxay qaab ciyaareedkii waalida ahaa ee looga soo bartay isaga oo Spurs ka joojiyay fursado ay goolal u fisheen.
Daqiiqadii 62 aad Pogba ayaa kubbad qurux badanu bixiyay Martial wuxuuna siiyay banaan xerada ganaaxa Tottenham dhexdiisa ah si uu u dhaliyo goolka labaad laakiin goolhaye Lloris ayaa fursadan si fiican iskaga joojiyay.
Daqiiqadii 66 aad Tottenham ayaa heshay fursadii ugu waynayd ee gool cadaan ah loo fishay kadib markii uu Dele Alli kubbad la soo dhex galay xerada ganaaxa Spurs isla markaana uu ka soo dheereeyay difaaca United oo dhan laakiin goolhaye De Gea ayaa lugtiisa ku joojiyiay kubbada goolka ku socotay.
Daqiiqadii 73 aad Lukaku ayaa ciyaarta la soo galiyay waxaana la saaray xidiga goolka Martial waxayna Tottenham markan noqotay kooxda goolka barbaraha laga filan karayay.
Manchester United ayaa markii uu dhamaadkii ciyaartu soo dhawaaday waxay bilawday in ay yaraysay weerarkii kooxdeeda waxayna muhiimada kowaad ka dhigatay sidii ay hogaanka ciyaarta ku ilaashan lahayd balse qaab ciyaareedka United ayaa noqday mid si wayn u soo jiitay jamaahiirta kooxdeeda Red Devils.
Daqiiqadii 83 aad tababare Ole ayaa difaaciisa ku soo adkeeyay Diogo Dalot isaga oo saaray Jesse Lingard waxayna United cadaadis waali ah kala kulmaysay Tottenham oo wax walba iskugu gaysay sidii ay goolka barbaraha ku keensan lahayd.
Daqiiqadii 86 aad Meeshan Lama Dhaafi Karo!! Goolhaye David De Gea ayaa halkiisa ka sii watay mucjisada uu Wembley Stadium kala soo muuqday wuxuuna Harry Kane ka beeniyay fursad aan la rumaysan karin isaga oo De Gea noqday xidiga Tottenham sida layaabka leh ula ciyaaray.
Qalad kasta oo ay difaaca Man United ka sameeyeen ee ay Tottenham goolal ku dhalin kartay waxaa si layaableh u joojiyay goolhaye David De Gea kaas oo United siiyay kalsooni aanu xili ciyaareedkan oo dhan soo samayn.
Wax walba oo ay Tottenham iskugu dayday in ay goolka barbaraha ku keensato waxay awoodi waayeen in ay dhaafaan De Gea waxayna ugu danbayn ciyaartu ku dhamaatay 1-0 ay United ku soo gaadhay guushii xili ciyaareedkan ugu quruxda badnayd ee ay kulan Premier league ah ka soo gaadhay.
Man United ayay guushani ka caawisay in ay dhibcod la wadaagto Arsenal iyaga oo wada yeeshay min 41 dhibcood waxayna guushani xaqiiq buuxda u noqotay in guulihii Ole ayna ahayn nasiib balse uu gabi ahaanba badlaay xaaladii xumayd ee uu Mourinho kaga badalay Old Trafford.