Connect with us

somalilandtoday.com

Abwaan Cabdiqani Ilkacase Oo Ku Dhawaaqay Inuu Ka Baxay Xisbiga KULMIYE, Eedana U Jeediay Madaxweyne Muuse Biixi

English

Abwaan Cabdiqani Ilkacase Oo Ku Dhawaaqay Inuu Ka Baxay Xisbiga KULMIYE, Eedana U Jeediay Madaxweyne Muuse Biixi

(SLT-Birmingham) Abwaan Cabdiqani Cumar Geedi (Ilkacase)oo kamid ah bahda Sugaanta, ahna Heesaha Mulaxaj iyo Abwaanba ayaa shaciyay inuu ka baxay gabi ahaanba Xisbiga KULMIYE oo uu hore uga tirsanaa.

Abwaan Cabdiqani Cumar Geedi oo la soo xidhiidhay shabakadda wararka ee Somalilandtoday Wuxuu sidoo kale canbareeyay xadhiga Abwaan Cabdiraxmaan Abees iyo Siciid Maxamuud Gahayr . Isagoo arrimaha ka hadlaaya Wuxuu yidhi .

“Anigu maanta Laga bilaabo waxaan idin cadaynayaa inaan ka baxay Xisbiga KULMIYE oo anaan qarsan jrin tageeradiisa waxbadana aan soo taray, sababuhu way badan yihiin dibna waan ka soo sheegi doona waxaase ugu wayn halkay maanta Somaliland marayso iyo caqligii ka saari laha oo aan ii muuqan “. Abwaan Cabdiqani Cumar Geedi wuxuu intaas ku daray .

“Waxaan canbaraynayaa xadhiga sharci darrada ah ee cabudhinta ah ee Lagu xidhay Abwaan Cabdiraxmaan Abees, horena uu ugu xidhnaa Siciid Maxamuud Gahayr . Ha hadlin oo waxba ha arkin hore ayay wax ugu hagaagi waayeen hadana ku hagaagi mayso “. Sidaa ayuu yidhi Abwaan Ilkacase. dhig aan soomaanta oo tariikhdu tahay

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in English

To Top