Connect with us

somalilandtoday.com

Sarkaal Ka Tirsanaa Ciidammada Soomaaliya Oo Lagu Xukumay Dil Toogasho Ah Iyo Dambiga Loo Haysto

focus

Sarkaal Ka Tirsanaa Ciidammada Soomaaliya Oo Lagu Xukumay Dil Toogasho Ah Iyo Dambiga Loo Haysto

(SLT-Muqdisho)-Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud) oo ka tirsan ciidammada dawladda Soomaaliya ayaa loo heysta in uu dil badheedh ah u geystay Marxuum Dayax Iimaan Xasan 21-ka bishii sagaalaad 2018, dilkaasi oo ka dhacay aga-gaarka Seybiyaano degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Ciidammada amniga ayaa soo qabtay Eedeysanaha, waxaana lagu wareejiyay Hey’adaha Baadhista.

Marxuum Dayax Iimaan Xasan ayaa ahaa wiil dhallinyara ah, waxa uu sidoo kale ahaa wade gaadhi raaxo isagoo sidoo kale soo dhameeyay heerka wax barashada koowaad ee jaamacadda Plasma,waxaana sidoo kale uu ka Shaqeynayey waaxda farsamada dhulka ee Dowladda hoose ee Xamar.

Iyadoo jimco ay tahay xilliyadii salaadda kadib ayuu sababsaday qorey Dhasiika ah uu gacantiisa ku riday sida uu sheegtay Laba xidigle xoogga dalka Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud).

Eeda Kumbud ayaa lagu soo wareejiyay xafiiska Xeer Ilaalinta Xilligaasi waxa ayna codsadeen Xafiiska in garsoorka ay ku hayaan xabsiga dhexe gar-suge ahaan.

Muddo baadhistooda kadib ayay codsadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah Laba xidigle xoogga dalka Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud), waxa ayna Maxkamadda aqbashay in la muddeeyo 10-ka Bishii 12-aad ee sanadkii tegay.

Sedax Cishe kadib ayay bilaabatay Maxkamadeynta Kumbud, waxaana dhageysiga dacwadda u dhammaa dhinacyada dacwadda la isku ballamiyay in markale dib la isugu soo noqdo.
Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isla xilligaasi xooraansi dheeraad ah ugu jiray dhacdada sidii loogu dhameystiri lahaa dambi muujinada eedeysanaha, waxa ayna sidoo kale fadhigii labaad la yimaadeen oo aheyd laba todobaad kadib cadeyma dheeri ah sida Sawirka Marxuumka, Warqadda Dhakhtarka ku cadeeyay dhimashada Marxuumka iyo markaatiyaal shan ah oo ay qaarkood wada saarnaayeen gaariga eedeysanaha la maxkamadeeyay ee Kumbud.

Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi oo ah ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Side ayaa fadhiga ka sheegay in eedeysanaha uu u adeegsaday qori Dhashiika ah meel ciriiri badan ka jiro balse qoriga loogu tala galay furumaha dagaalka.

Laba xidigle xoogga dalka Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud) ayaa sheegay in u jeedkiisu ahaa sidii uu u furi lahaa waddada oo aheyd Baarta jaadka halka loo yaqaano xilligaasi oo ay saxmad ka jirtay balse lagu war geliyay in ay sabatay xabadii uu riday dhimashada Marxuum Dayax Iimaan Xasan.

Qareenada ayaa ku dooday in loo naxariisto sarkaalka loona fududeeyo xukunka maadama uu goobta fal ka dhacay ay aheyd goob Saxmad ah.

Ugu dambeyn maanta ayaa go’aan laga gaaray, waxaana lagu xukumay eedeysane Ex, Laba xidigle xoogga dalka Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud) dil toogasha ah oo ah qisaastii Marxuum Dayax Iimaan Xasan, sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute

Maxkamadda Ciidamada ayaa horay digniin uga dirtay in aan lagu xad gudbin muwaadiniinta isaga kala goosha magaalada, waxa ayna sheegtay in ciddii geysata dil ku tala gal ah aan looga waaban doonin sharciga.

Sarkaal xukunsanaha ah ayaa heysta fursad kale uu uga qaadan karo rafcaan Xukunka Maxkmadda Darajada koowaad.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top