Mudooyinkii udambaysay waxa siyaaaada somaliya ku dhex hirdamayay labada beelood ee hawiye iyo daarood laakiin dhawaanahan soo socda midba gacanta sare yeelan doona.
Sanadii 2000 shirkii carta ayay dadka dawladii la isku odhan jiray somalia oo somaliland ka maqantahay go’aan ku gaadheen oo qaateen nidaamka federaalka , kadib wakhtigaa ilaa maanta maalinba meel ayuu soo gaadhayay nidaamka federaalka somaliya oo dad badani ku doodan inaanu somali u wanaagsanayn nidaamkani , maadama ay dad qabaa il ku tiirsan yihiin .
Siday doontaba ha ahaate manta somaliya waxay u qayb santahay shan maamul goboleed oo qabaa’il dabada ku haya , laba kamid ah oo waxa
hogaamiya ama ka taliya reerka daarood (puntland iyo jubba land ) halka laba kalena hawiye kataliyo ( gal-mudug iyo hirshabeele ) halka maamul ee soo hadhayna Raxawayn ama digil iyo midhifle hadba kaad u taqaano ( koonfur galbeed ) .
Hadaba amuurta ugu wayni waxay ka taagantahay caasimada muqdisho oo ay ku abtirsadaan beesha hawiye muxu noqonaya meeqaanmkeedu yaase hor jooga ka noqonaya ? .
Waxaynu ognahay khilaafka ugu wayn ee meeqamka muqdisho inuu khilaafkedu soo if baxay mudadii uu farmaajo xilka hayay iyadoo ka hadalkeedu uu galaaftay sideedi janaayo ee 2018 kii gudoomiyihii gobolka banaadir (taabit) oo dood beesha hawiye u dan ah laakin farmaajo iyo kooxdiisa ka nixisay layimid ,Inta badan dadka reer muqdishana taageren.
Waxa iyaduna maanta xusid muddan in gudoomiyaha banaadir mr yariisow mar uu ka hadlayay muqdisho uu doodi galaafatay
Taabit mid u dhaw uu lakin ka qunyar socodsan la yimid ,Hadaba waxa xaqiiqa hadii aanu dooda joojin inay xilkiisa galaafan doonto .
Ugu dambayntii magalada muqdisho hadii
Meeqaamkeeda lagu daayo mid u dhaw sida ay imika tahay oo ay noqoto caasimad u dhaxaysa maamulada qaybta ka ah somaliya mar walba waxa siyaasada somaliya gacanta saraysa lahaanaya daarood , hadiise sida beesha hawiye badankeedu ku doodayso laga dhigo maamul iyadoo caasimadana haysata waxa mar kasta siyaasada somaliya gacan saraynta yeelan doonta beesha hawiye.
Oo noqon doona boqortooyo aan la loodin karin somaliyana sida qori isku dhiibka maamulkeeda isugi dhiibta ama hadba cida ay wataan keena .
Laakiin waxa xaqiiqa in dhawaan fulkaanahasi marka uu qarxo siyaasada somaliya wax badana ka badali doono labadaa libaaxna kii rooni reerka u hadhi doono . Dadka inta ka soo hadhayna labada libaaxna daawadayaal ka ahaanayan siday maantaba uga yihiin.