Connect with us

somalilandtoday.com

Dab Xoogan Hanti Badan Ku Baabiiyay Suuqa Bakaaraha Muqdisho Iyo Faah Faahinta Khasaraha Ilaa Hadda.

focus

Dab Xoogan Hanti Badan Ku Baabiiyay Suuqa Bakaaraha Muqdisho Iyo Faah Faahinta Khasaraha Ilaa Hadda.

(SLT-Muqdisho)Xalay saqdii dhexe ayaa lagu guuleystay in la damiyo dab ka kacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ku faafay meelo badan oo suuqa kamid ah.

Dabka oo bilowday abaaro 09:20 pm xiliga Muqdisho ayaa la damiyay 12:00 am saqdii dhexe, iyadoo gaadiidka dab damiska ee gobolka iyo kuwa shirkadaha gaarka ah ay ka qeyb qaateen daminta dabka.

Wuxuu ka bilowday dabka qeybta Suuqa Huudheyda, waxaana uu markii dambe gaaray qeybta maacuunta iyo qeybta hilibka ariga lagu iibiyo ee Suuqa Bakaaraha, sida ganacsatada ay sheegeen.

Hanti badan ayaa dabka ku bas beeshay, waxaana markii dambe laga hortagay inuu ku faafo qeybo kale oo Suuqa kamid ah, kadib dadaal dheer oo la sameeyay.

Wararka dheeriga ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in dabka uu ka bilowday koronto, sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay inay wadaan baaritaanka ku aadan waxyaabaha soo celceliyay in suuqa weyn ee Bakaaraha uu dab ka kaco, waxaana dababkii ugu dambeeyay ay kabilowdeen Koronto.

Ganacsato badan ayaa hantidooda kala baxay xalay Suuqa, iyaga oo ka baqayay in dabka uu gaaro goobahooda ganacsiga, waxaana dabkii xalay uu dhulka dhigay guryo badan, iyadoo hanti badan oo wali aan la tiro koobin ay ku baaba’day.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top