Connect with us

somalilandtoday.com

Wakiilka Somaliland Ee UK Ayaan Cashuur Oo Beenisay Warkii Wasiirka Warfaafinta Ee Aha In Ingiriisku Safiir Gaara U Soo Magacaabay JSL.

advertise

Wakiilka Somaliland Ee UK Ayaan Cashuur Oo Beenisay Warkii Wasiirka Warfaafinta Ee Aha In Ingiriisku Safiir Gaara U Soo Magacaabay JSL.

(SLT-Hargaysa) Ayaan Maxamuud Cashuur, oo ah wakiilka Somaliland u jooga waddanka Ingiriiska ayaa beenisay in UK Ergay ama safiir u soo magacawday Somaliland.

“UK waxaa u jooga Somaliland representative u qaabilsan xidhiidhka UK and Somaliland. Please joojiya warka aad faafinaysiin; safiir iyo envoy midna maaha. Ilaahey maalintaas ha inna gaadhsiiyo. Insha allah dhawaan” ayay tidhi Ayaan. Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guribarwaaqo ayaa isaguna Sheegay warka ah In Ingiriisku Safiir gaara u magacaabay Somaliland .

wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guri-Barwaaqo, oo ku sugan UK ayaa sheegay in uu la kulmay Ergaygaasi oo dhawaan xilka qaban doona.

waxa uu sheegay in uu hoos iman doono wasaarada arrimaha Dibadda UK.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo todobaadkan Xoghayaha Gaashaandhigga Ingiriisku socdaal ku yimi magaalada Hargeysa.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in advertise

To Top