Gudoomiyaha iyo Madaxdani waxay kaloo aad u lafa-gureen isbedelka Gobolka ka socda; Amniga Gobolka iyo Hanaanka Dimoqraadiyada ee Somaliland.
Madaxdan iyo Gudoomiyuhuba waxay aad uga doodeen werwer weyna ka Muujiyeen Dibu-dhaca Doorashooyinka Soomaaliland markasta ku yimaada iyo sidii looga gudbi lahaa.
Dhamaan madaxdan uu Gudoomiye Ciro la kulmay ayaa ku amaanay kaalintii iyo Go’aankii Quruxda badnaa ee uu ka Qaatay Xisbi ahaan iyo Musharax-ahaanba Doorashadii Madaxweynaha ee Dalka ka Qabsoontay November 2017.
Madaxdan ayaa Xukuumada iyo Xisbiyada Soomaaliland ugu baaqay inay Xaliyaan is-mari waaga Qaabka Doorashooyinka Goloyaasha ku saabsan; Waxayna Madaxdani ugu Baaqeen Xukuumada S/land in iyada Xil gooni ahi ka saaran yahay sidii doorashooyinku Xiligooda ugu dhici lahaayeen.
Gudoomiyaha oo Weli ku sugan Dalka Kenya ayaa la filayaa inuu Halkaas ku yeelan doono kulamo kale oo Muhiim ah mudada uu joogo.