Connect with us

somalilandtoday.com

Soomaliya: Ciidamadda Dawladda Iyo Xarakada Al-shabaab Oo Dagaal Ku Dhexmaray Gudaha Magalooyinka.

focus

Soomaliya: Ciidamadda Dawladda Iyo Xarakada Al-shabaab Oo Dagaal Ku Dhexmaray Gudaha Magalooyinka.

(SLT-Muqdisho) Iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamada Dawladda Dalkaasi Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa xalay ka dhacay magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku soo qaaday fadhiisimo ciidamada dowladdu ku lahaayeen gudaha Marka, waxaana la sheegay iska hor imaad saacad socday uu dhex maray.

Guddoomiyihii hore degmada Marka Maxamed Cismaan yariisow ayaa sheegay in Al-Shabaab ay soo weerareen xaafado ka tirsan Marka, isla markaana la iska caabiyay, waxaana uu intaa ku daray in aanay jirin wax khasaare ah oo ka dhashay iska hor imaadkaas.

Waxaa uu sheegay in qoriga Baasuukaha oo ay soo tuureen uu ku dhacay warshad barafka oo dabka siisa xaafadaha Marka, waxaa uu tilmaamay in ciidamada ay damiyeen dab ka dhashay baasuukaha.

Saraakiisha Booliska magaalada Marka ayaa sheegay in Shabaabkii soo weeraray ay ka dileen labo dagaalame, ayna iska caabiyeen, una carareen dhanka deegaanka Jilib Marka sida uu yiri.

Ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa sanadkii hore si buuxda ula wareegay ammaanka magaalada Marka oo muddo sanado aheyd mid kala qeybsan oo ay isku hayeen maleeshiyo beeleed, ayna magaalada afaafkeeda hore kaga sugnaayeen

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top