Connect with us

somalilandtoday.com

Mas’uul Sare Oo Ka Tirsan Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ku Dhaawacmay Rasaas Askari Furay

focus

Mas’uul Sare Oo Ka Tirsan Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ku Dhaawacmay Rasaas Askari Furay

(SLT-Hargeysa)-Askari ka tirsan ciidamada somaliland ayaa dhaawac u gaystay Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka somaliland Maxamed Cabdi Xergeeye.

Warar aanu helayno ayaa waxa ay sheegayaan in agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadku uu dhaawac ka soo gaadhay rasaas uu ku furay askari deganaa dhul la doonayey in laga raro.

Askarigan rasaasta ku furay agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka ayaa ka mid ahaa dad la sheegay inay dagan yihiin dhul uu leeyahay dugsiga caafimaadka ee dawladu maamusho, kaas oo loogu tala galay inay galaan

macalimiinta wax ka dhigta dugsigaas balse burburkii dawlada Soomaaliya ka dib ay daganayeen dad shacab ahi.

Agaasimaha guud ayaa la sheegay inuu askarigan oo qoyskiisu daganaa dhulkaas ku amray inuu ka guuro, taas oo keentay in cadho ku dhalatay askariga ay keentay inuu rasaas furo.

Wararka ayaa sheegay in agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadku uu ka dhaawacmay bawdada isla markaana ay rasaastu dhex martay hilibka balse aanay jabin, kaas oo haatan ku sugan gurigiisa magaalada Hargeysa ka dib dawayn kooban loo loo sameeyey.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top