(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Oo Hadda Muddo sannad ah dalka xukumayay ayaan Wali ku guulaysan Innuu fadhiisiyo Dhaqaalaha Dalka, Sicir bararka iyo Guud ahaan hannaankii siyaasadeed ee gudo iyo Dibadba waxaana uu u muuqdaa inuu ku haftay hogaamintii islamarkaana uu ku mashquulay nidaamka Qabiilooyinka Dalka ka jira oo uu illaa hadda isku dayayo inuu qof walba halkiisa ku qanciyo iyadoo uu dalku ku sii socdo Musalaf, dadkiina ay la dalaalaa dhacayaan duruufo qalafsan oo nololeed kuwii ugu adkaa, iyo hagar daamooyin siyaasadeed iyo Caafimaad.
Madaxweynaha mudada dheer ka ariminayay Dalka aynu jaarka nahay ee Jabuuti Ismaaciil Cumar Geellle oo lagu tilmaami kelitalis Xukun jecel oo Dalkiisa cayriyay inay xiitaa ku noolaadaan Dadka siyaasadiisa dhaliilsan ee Mucaaridka ku ah ayaa markii uu Xukunka Dalkaasi qabtay ee uu kala wareegay sanadkii 1999-kii madaxweynihii hore ee dalkaasi Al-Xaaji Xasan Guuleed Abtidoon,oo uu sanadkii hore la sheego inuu bilawgii Xukunkiisa ku haftay ayaa uu Markii dambe guntiga dhiilasha iskaga dhigay inuu Fahmo xaalada jirta iyo inuu marka hore dhiso oo uu xil iska saaro waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha dadkiisa, oo wakhtigaasi aad u hooseeyay, Waxa uu Ka baxay dhamaan hawlihii ganacsi ee gacanta ugu jiray, isagoo sidoo kalena Golihiisa Xukuumadda iyo qoysaskoodaba ka mamnuucay inay Wax ganacsi ah galaan si ay ugu ban-baxaan bad baadinta Qaranka islamarkaana ay ugu ekedaan oo qudha Hawlaha Qaranka ee loo igmaday, waxa muddo yar dabadeed kor ukacay Dhaqaalihii dalka iyo Noloshii caadiga ahayd ee dadka, waxa uu ku guulaystay inuu fadhiisiyo Noloshii Caadiga ahayd ee Reer Jabouti iyadoo la sheego inuu markii dambe dib ugu noqday, islamarkaana uu qoyskiisa u fasaxay Ganacsigii, go’aankaasi uu naftiisa,qoyskiisa iyo Golihiisa Xukuumaddaba uu kaga mamnuucay ayaa lagu tilmaamaa arimihii ugu waa weynaa ee Guusha u horseeday. Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu hadda ka mid yahay sida warbaahinta caalamka dhawr jeer wax ka qortay Hogaamiyayaasha ugu hantida badan Africa balse waxa uu dejiyay Nolosha,Dhaqaalaha iyo Siyaasada dalkiisa ayaa lagu yidhi Warkan oo lagu baahiyay Caroog.net
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi inkasta oo aanu wali Bulshada u bayaamin Hantida dhabta ah ee uu haysto iyo inta ay leeg tahay, haddana waxa lagu tiriyaa siyaasiga ugu hantida Buuran Siyaasiyiinta Somaliland, waxa si gaar ah carabka loogu adkeeyay ama loogu badiyaa inay hantidiisu u badan tahay Guryo badan oo uu dhistay intii dalka dib loogu soo noqday iyo dhul bannaan oo uu leeyahay oo aad u badan.Waa maalqabeen siyaasi ah oo hanti badan haysta sida ay dad badani qabaan, waxaana sidoo kale lagu xantaa inuu saamiyo ku leeyahay shirkado ganacsi oo gaar ah oo si weyn dalka uga shaqeeya. Qoyskiisa ayaa sidoo kale la sheegaa inay hawlo ganacsi oo gaar ah ku jiraan qaarkood, inkasta oo aan lagu arag Madaxtooyadda islamarkaana oo uu aad iskaga illaaliyo inay soo dhex galaan arimaha siyaasada iyo hogaamintiisa, haddana si dadbadan ayaa lagu xantaa inay lug ugu leeyihiin. Mudadaasi Sanadka ah ee uu Xukunka soo hayay ee hadda u idlaaday oo aad loogu xanto inaanu Dalka siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan, iyo arimihii Bulshadaba aanu waxba ka qaban, ayaa si weyn loo hadal hayaa inuu dhaqaale badan galiyay Beer uu ku leeyahay Woqooyiga Magaaladda Hargeysa gaar ahaan Geed Deeble, taasi oo uu dhawr jeer tagay intii uu Xukunka hayay, waxa uu ku dhaqay geel, waxaanu ka sameeyay dhismayaal sida ay dadka ka agdhaw sheegeen iyadoo uu ka dhigay Goob raaxo. Dhinaca kale waxa masuuliyiin badan oo Xukuumaddiisa ka tirsan loo tiriyaa inay hawlo ganacsi oo shakhsi ah kujiraan taasi oo ay uga faa’iidayaan Ganacsigooda xilka ay hayaan, waxa ay qaarkood leeyihiin Hay’addo ama NGOS, si cad loo wada yaqaan, halka ay qaar saamiyo ku leeyihiin Shirkaddo gaar ah arintaasi oo lafjab ku noqon karta qaranka, ama dabri karta horusocodkii Shaqada Qaranka.
Haddaba Su’aasha meesha taalaa waxay tahay,Madaxweyne Biixi ma kaga dayan doonaa talabaasi uu Madaxweyne Geelle Bilawgii Xukunkiisa qaaday kadib markii ku jahawareerar sanadkii hore islamarkaana markii dambe ee uu sidan gartay ay wax wayn ka tartay inuu dalkiisa gaadhsiiyo halka uu maanta taagan tahay, mase ka mamnuuci doonaa Naftiisa iyo Xubnaha Xukuumaddiisa kujira inay wax lug ah ku yeeshaan Ganacsiyadda Gaarka loo leeyahay si ay ugu ekedaan oo keli ah Horumarinta Hawlaha Qaranka, ugan dhawrsoonaadaan inay xilka ay hayaan uga faa’iideeyaan danaha gaar ah ama ganacsiyadooda ayaa lagu yidhi Qoraalkan oo lagu baahiyay Shabakadaasi.