Connect with us

somalilandtoday.com

Muqdisho: Dawladda Soomaliya Oo Joojisay Inay Bixiso Baasaboorka Socdaalka

focus

Muqdisho: Dawladda Soomaliya Oo Joojisay Inay Bixiso Baasaboorka Socdaalka

(SLT-Muqdisho) Dadka ku safra ee ee qaadanayaay Boosaboorka Soomaaliga ah ayaa waxaa wali heysta xayiraad dhinaca helidda Baasaboorka ah.

Dadweynaha horay u dalbaday Baasaboorka ayaa muddo laba bilood ku dhow waxaa ay la’yihiin Baasabooraddii dalbadeen.

Qaarkood oo maanta Magaalada Muqdisho kula hadlay dalka ayaa sheegay in maalin waliba la ballamiyo haddana aan loo sheegin sababta uu hakadka ugu jiro baasaboorka lacagaha looga qaatay.

Dadka ka cabanaya Baasaboor la’aanta ayaa sheegaya in ay Bukaanno uga jiraan Ibsitaallada una rabaan Isbitaallo dibadda ah,kuna adag tahay in ay helaan Baasaboorkooda.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababta loo uu u xayiranyahay Baasaboorka, waxaana ilo-wareedyo ayaa sheegeen in uu jiro muran u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo sharikadda sameysa Baasaboorka Soomaaliya.

Xogta ay helay Radio lugo badan waxaa ay sheegeysaa in Dowladda Soomaaliya ay go’aansatay in ay ka wareegto sharikadda sameysa Baasaboorrada, sharikaddana ay lacag ku leedahay dowladda Soomaaliya

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top