Connect with us

somalilandtoday.com

Siciid Cabdullaahi Deni Oo Loo Doortay Madaxweyne Cusub Ee Puntland

focus

Siciid Cabdullaahi Deni Oo Loo Doortay Madaxweyne Cusub Ee Puntland

(SLT-Garoowe)-Saciid Cabdullahi Maxamed oo loo yaqaan Saciid Deni ayaa maanta loo doortay inuu noqdo madaxweynaha cusub ee maamul goboleedka Puntland.

Saciid Deni ayaa wareeggii ugu dambeeyey ee doorashada madaxweynaha Puntland, oo maanta ka dhacday magaalada Garoowe, waxa uu kaga adkaaday Asad Cismaan Diyaano.

Deni ayaa helay codadka 35 ka mid ah 66-ka xildhibaan ee golaha wakiilada Puntland, halka Asad uu ka helay 31 cod.

Waxa uu beddeli doonaa madaxweynihii hore ee Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas oo ku haray wareegga koowaad ee doorashada, isaga oo helay kaliya sideed cod.

Saciid Deni ayaa horey usoo noqday wasiirka qorsheynta Soomaaliya, xilligii uu dalka madaxweyne ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top