Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynihii Hore Ee Khaatumo Oo Loo Doortay Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland

focus

Madaxweynihii Hore Ee Khaatumo Oo Loo Doortay Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland

(SLT-Garoowe)-Waxaa Goor dhowayd la soo geba-gaboobay tirinta Codadka wareega Saddexaad ee doorashada Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ay ku tartameen labada Musharax oo kala ahaa Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan).

66 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa codkooda dhiibanayay,waxaana xilka Madaxweyne ku xigeenka Puntland ku guuleystay Axmed Cilmi Cismaan Karaash ,waxaana codadka ay u kala heleen sidatan.

Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa 47 Cod
Iyo Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan) 19 Cod

Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa 5-ta Sana ee soo socota waxaa uu heyn doona xilka Madaxweyne ku xigeenka Puntland, hadii aan isbedel kale imaan, waxan goobta doorashada ku sugnaa, Xildhibaano ka socda Dowladda Federaalka iyo Xubno ka socda Beesha Caalamka.
Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa waxa uu hore madaxweyne uga soo noqday kooxda Khaatumo.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top