Connect with us

somalilandtoday.com

Lix Musharax Oo U Tartamayay Madaxweynenimada Maamulka Oo Ku Dhawaaqay Inay Ka Tanaasuleen Tartanka Doorashadda

focus

Lix Musharax Oo U Tartamayay Madaxweynenimada Maamulka Oo Ku Dhawaaqay Inay Ka Tanaasuleen Tartanka Doorashadda

(SLT-Garoowe)-lix musharax oo kamid ah murashixiinta xilka madaxweyne ee Puntland ayaa shir jiraa’id oo ay xalay ku qabteen magaalada Garoowe waxa ay uga dhawaaqay in ay ka tanaasuleen tartanka doorashada madaxweyne ee Puntland.

Musharixiinta tanaasulay ayaa sheegay in markii ay arkeen duruufaha adag ee dalka uu marayo iyo faragelin ay sheegeen in lagu hayo doorashada ay sababtay in ay ka tanaasulaan tartanka doorashada isla markaana ay codkooda ay ku biirayaan musharixiin kale oo sadex ah kuwaas oo kala ah Cabdisamad Maxamed Gallan,Siciid Cabdulaahi Deni iyo Daahir Mire Jibriil.

Cabdirisaaq Jaamac Janagale oo u hadlayay musharixiinta tanaasulay ayaa sheegay in ay codkooda iyo cududooda u midaynayaan sidii isbedel la taaban karo uu uga dhici lahaa Puntland islamarkaana looga gaashaaman lahaa in markale xukunka uu kusoo laabto madaxweynaha iminka musharaxa ah Cabdiweli Gaas iyo sidoo kale sidii looga hortagi lahaa faragelin ay xukuumadda Federaalka ku sameyso doorashada madaxweyne ee Puntland taas oo la filayo in ay dhacdo 8-da bishan January.

Hadaba Murashixiinta sheegay in ay tanaasuleen ayaa kala ah:-

Cabdirisaaq Cabdullaahi Jaamac (Janagale)

Cali Axmed Gamuuti

Cabdixakiim Cabdi Xaashi.

Maxamed Salaad Qoryoolay

Cabdullaahi Jaamac Saalax

Cabdiweli Cabdiraxmaan Gayre.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top