Connect with us

somalilandtoday.com

“Golaha Ammaanka Idnka Hore U Ansixiyay In Qof Tariikh Aragagixiso Lihi Aanu Xil Qaban Karin” Safiirka Soomaliya U Fadhiya Qaramada Midoobay.

focus

“Golaha Ammaanka Idnka Hore U Ansixiyay In Qof Tariikh Aragagixiso Lihi Aanu Xil Qaban Karin” Safiirka Soomaliya U Fadhiya Qaramada Midoobay.

(SLT-New York) Safiirka Soomaaliya Qaramada Midoobay ayaa golaha ammaanka warbixin ka siiyey sababta dowladda Soomaaliya ay u xirtay ugana hor-istaagtay Mukhtaar Roobow inuu xil ka ka qabto Soomaaliya.

Danjire Abuukar Baale ayaa sheegay in xubnaha golaha ammaanka ay ku raacsan yihiin in argagixisada iyo xubnaha Al-Shabaab, oo golaha ammaanka naftiisa uu cuna-qabateyn horey u saaray, inaysan xil qaban karin ayaga oo aan marin barnaamijka dhaqan-celinta adag ee la sameeyey.

“Labadii doorasho heer federal ee Soomaaliya ka dhacay, wakiilada QM ee Soomaaliya ayaa ku cel-celiyey in musharaxnimada iyo doorashada qof kasta oo leh taariikh xagjirnimo ay tahay dib u dhac ballaaran” ayuu yidhi Abuukar Baale.

“Sidaas darteed, inta aan dib uga soo celineyno amarka iyo kala dambeynta dalka, oo aan ka dhameeneyno dhaqanka ku dhisan dadka aysan caddaaladda qabin, ma ogolaan doono cambaareyn iyo isku day kasta, oo dad argagixiso ah oo la yaqaan na looga dhigayo kuwa jalaatada iibiya”

Hadalkiisa ayaa si toos ah uga soo horjeeday kan wakiilka QM ee Soomaaliya ee la eryey Nicholas Haysom oo sheegay in xiritaanka Roobow ay hor-istaagi doonto xubno kale oo sare oo Al-Shabaab ah oo laga yaabay inay dowladda isku soo dhibaan kuna soo biiraan hanaanka siyaasadda dalka.

Hadalka danjiraha ayaa u muuqday mid ku dhisan mas’uuliyad iyo muujinta awoodda Soomaaliya ay u leedahay inay ayada un go’aan ka gaartao aayaha dalka.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top