Connect with us

somalilandtoday.com

Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Maraykanka Oo Walaac Ka Muujiyay Jihada Ay U Socoto Soomaaliya, Kana Hor-yimid Caydhinta Ergayga Qaramada Midoobay

focus

Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Maraykanka Oo Walaac Ka Muujiyay Jihada Ay U Socoto Soomaaliya, Kana Hor-yimid Caydhinta Ergayga Qaramada Midoobay

(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Eliot L. Engel, oo ka tirsan aqalka Baarlamaanka Maraykanka, ayaa walaac ka muujiyay jihada ay ku socoto dawladda Soomaaliya, waxaanu sheegay inuu ka xunyahay sida uu yahay xaalka Soomaaliya.

Xildhibaan Eliot oo ah guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda ee Baarlamaanka Maraykanka, ayaa wuxuu ka horyimid go’aanka ay dawladda Soomaaliya ku caydhisay ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay danjire Nicholas Haysom. “Iyadoo ay jiraan xaalado dawladeed oo sii xumaanaya iyo dagaalka joogtada ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab, Caydhinta ergayga Nicholas Haysom waxay sii kordhisay walaaca aan ka qabo jihada ay ku socoto Soomaaliya.” Sidaas ayuu xildhibaan Eliot ku yidhi qoraal kooban oo uu geliyay barta uu aqalka wakiilada ee Maraykanku ku leeyahay twitterka.

Qoraalkan kooban ee uu xildhibaan Eliot baahiyay wuxuu tilmaan u yahay sida uu Baarlamaanka Maraykanku u arko xaaladda Soomaaliya iyo dawladda Maxamed Farmaajo.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top