Connect with us

somalilandtoday.com

“Waxa Aanu Dilnay Boqolaal Ka Tirsan Ururka Booko Xaraam…” Dowladda Nigeria

focus

“Waxa Aanu Dilnay Boqolaal Ka Tirsan Ururka Booko Xaraam…” Dowladda Nigeria

(SLT-Nigeria)-Dowladda Nigeria waxay sheegtay in ciidamadeeda ay dileen in ka badan 280 dagaalyahan oo ka tirsan maleeshiyaadka Booko Xaraam xilli weerar dhulka iyo cirka ah ay ku qaadeen ciidammada deeganno ku yaalla xadka.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda gaashandhigga Nigeria oo laga akhriyay telefishinka ayaa lagu sheegay in maleeshiyaadka lagu laayay weerar duqeyn ah.

Waxay ciidammada sheegeen inay soo qabteen hub badan oo ay kamid yihiin gantaallada riddada dheer xilli ay weerar ka gaysteen jasiirado ku yaalla harada Chad gaar ahaan agagaarka webiga Komadougou Yobe.

Ciidamada Nigeria ayaa maalmihii ugu dambeeyay weeraro khasaare dhaliyay kala kulmay ururka Booko Xaraam oo muddo 10 sanno ah dagaal ku jiro dowladda.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top