Connect with us

somalilandtoday.com

Sahra Khalif Oo Loo Dhaariyay Xubinnimada Golaha Deegaanka Magaalada Leuven Ee Dalka Belgium

focus

Sahra Khalif Oo Loo Dhaariyay Xubinnimada Golaha Deegaanka Magaalada Leuven Ee Dalka Belgium

(SLT-Leuven)-Sahra Maxamed Khalif oo ah gabadh Soomaaliyeed 21 jir ah ayaa si rasmi ah uga mid noqoneysa xubnaha Golaha deegaanka magaalada Leuven ee dalka Belgium kadib markii loo dhaariyay xilkan.

Waa markii ugu horeysay taariikhda dalka Beligium oo shaqsi ka soo jeeda dalka Soomaaliya loo doorto xil.
Waxaa ay ka soo gashay golaha deegaanka xisbiga u janjeera garab bidix ee loo yaqaano Belgian Socialist Party (SPA) oo ka mid ah axsaabta ugu waaweyn dalka Belgiumka.

Waxaa ay dhigataa Jaamacadda magalaada Leuven gaar ahaan culuumta adduunka (International Studies) ayaa ah shaqsi mustaqbla wanaagsan ku leh siyaasadda dalka Belgium.

Dhaarinteeda waxaa siweyn u soo dhaweeyay Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Belgium-ka oo siweyn ula socday guusheeda, sidoo kale waxaa ku farxay guusha ay gaartay Sahra labadeeda waalid.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top