Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Donald Trump Iyo Kongereeska Maraykanka Oo Is-Mari La’

focus

Madaxweyne Donald Trump Iyo Kongereeska Maraykanka Oo Is-Mari La’

(SLT-Washington)-Kevin McCarthy oo ah hogaamiyaha Jamhuuriga ee Aqalka Hoose ee Congresska Maraykanka ayaa sheegay in Madaxweyne Trump uu hogaamiyeyasha Congresska ku marti qaaday in mar kale ay Aqalka Cad ku kulmaan Jimcaha berri ah, si ay wadahadal dheeraad ah uga galaan sidii loo soo af jari lahaa hawlaha dawladda ee xanniban.

Madaxweyne Trump ayaa dalbanaya 5 bilayn oo dollar oo uu doonayo in lagu dhiso darbi laga taago xadka koonfureed ee Maraykanka. Dimoqraadiyiinta ayaa diiddan in lacagtaas la qoondeeyo.

Kulan ay Arbacadii shalay yeesheen Trump iyo madaxda labada xisbi ayaa ku dhamaaday guul la’aan, marka laga reebo in Trump uu doonayo in wadahadalada la sii wado.

Ka hor intii ayna dhinacyadu wada fariisan ayaa madaxweyne Trump uu sheegay in hawlaha dawladdu ay sii xayirnaan karaan in Alla inta ay qaadato.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top