Connect with us

somalilandtoday.com

Golaha Loo Dhanyahay Ee Qaramada Midoobay Oo Ka Arrinsanaaya Xaalada Soomaliya Caydhintii Ergaygooda Kadib.

focus

Golaha Loo Dhanyahay Ee Qaramada Midoobay Oo Ka Arrinsanaaya Xaalada Soomaliya Caydhintii Ergaygooda Kadib.

(SLT-New York) Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ka dooday xaaladaha dalka Soomaaliya kaddib markii dowladda Soomaaliya ay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ay ka eriday dalka.

Dowladda Soomaaliya waxay ku adkeysatay in Nicolas Haysom aanan laga rabin dalka isla markaasna uusan kasii shaqeyn doonin Soomaaliya.

Si kastaba, illo wareedyo ka tirsan Qaramada Midoobey ayaa BBC u sheegay in dowladda Soomaaliya aysan raacin waddo diblumaasiyadeed markii ay eryasay Haysom.

Ku-xigeenka afahayeenka Qaramada Midoobey, Farxaan Xaq ayaa sheegay in Qaramada Midoobey ay baaritanno ku sameyneyso waxaa dhaliyay go’aanka dowladda Soomaaliya ay ku eriday Nicholas Haysom.

“Waxaan la soconnaa xaaladda, waxaan isku dayeynaa in aan sharraxaad ka bixinno caddeymaha,waxaan arki doonaa tallaabada xigta” ayuu yiri Farxaan Xaq.

Wuxuu walaac ka muujiyay habka loo maray in wakiilka gaarka ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey laga ceeyriyo dalka Soomaaliya.

Qaramada Midoobey ayaa saacadaha nagu soo aadan lagu wadaa inay bayaan kasoo saarto dhacdada kaddib marka ay soo gabgabeeyaan baaritannada la xiriiro in Haysom aanan loo ogolaan inuu kasii shaqeeyo Soomaaliya.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top