Connect with us

somalilandtoday.com

Aragtiyo Iska Soo Hor Jeeda Oo Laga Bixiyey Go’aan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Ku Daadafaysay Go’aankii Ay Soomaaliya Dalkeeda Kaga Saartay Nicolas Haysom

focus

Aragtiyo Iska Soo Hor Jeeda Oo Laga Bixiyey Go’aan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Ku Daadafaysay Go’aankii Ay Soomaaliya Dalkeeda Kaga Saartay Nicolas Haysom

(SLT-Hargeysa)-Markii shalay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi soo saartay go’aanka ay taageerada ugu muujisay ergaygii qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya Nicholas Haysom iyo sida ay u sii wadi doonto wada shaqaynta ay la leedahay waxa dadku in badan doodo iyo afkaar kala duwan oo qaddiyaddan la xidhiidha isku waydaarsanayeen goobaha lagu kulmo ee magaalooyinka dalka iyo waliba baraha bulshada oo doodaha ugu adagi ka taagnaayeen.

In badan oo shacabka ka mid ahi waxa ay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku taageereen Go’aankaasi uu shalay ka qaatay tallaabada Maamulka Muqdisho ka qaaday wakiilkii gaarka ahaa ee Qaramada Midoobay iyaga oo u arkayay fursad diblomaasiyadeed oo Somaliland soo martay oo sideeda looga faa’iidaystay halka in badan oo kale taasi ka soo hor jeedeen oo ay go’aanka xukuumadda ku tilmaameen mid aan ku iman lafa-gur iyo ka baaraan-deg siyaasadeed waxna aan ku soo kordhinayn xidhiidhkii qaramada Midoobay iyo Somaliland.

Doodda hore dadka qaba ayaa waxa ay aragtidooda u sibir saarayaan sida Somaliland ku soo jiidan karto taageero ay ka helaan qaramada Midoobay in ay ugu muujiyaan in mar haddii Farmaajo iyo dawladdiisu ninkan eryeen ay iyadu waa xukuumadda Somalilande u muujiso taageero taasi oo ay ku tusayso in Somaliland ka madax bannaan tahay Maamulka Muqdisho, sideedana u qaadan karto mawaaqif siyaasi ah oo madax bannaan. Taageerona ay ku heli karto

Dhinaca kale dooddan waxa si ba’an uga soo hor keeda dad kale oo iyaguna ku doodaya in tallaabada xukuumadda Muuse Biixi arrinkan ka qaadatay aanu waxba soo kordhinayn ee uu kaliya ceeb iyo nusqaan uun ugu filan yahay Somaliland, maadaama cidda tallaabada qaadday iyo cidda laga qaadayba ay iyagu ahaayeen kuwa wada shaqaynayay ee isu aqoonsanaa laba dhinac. “Nasiib darro weyn iyo ceeb ayay go’aanka xukuumaddu u soo jiidaysaa Somaliland. waa tallaabo aan macno lahayn. Rasmi ahaan Qaramada Midoobay waxa ay Soomaaliya u aqoonsan tahay dal oo kali ah oo caasimaddiisu tahay Muqdisho, dawladdiisuna tahay taa Farmaajo ee Muqdisho fadhida. Wax ay ugu soo dhawaan karto Somaliland ma jirto. Wax kasta oo ay ku waayayso dawladda Soomaaliya go’aanka ay wakiilkaasi ka qaadatay waa wax iyada u gaar ah oo aan waxba u soo kordhinayn diblomaasi ahaan Somaliland. Haddii ay berri gorgortan galaan labada dhinac oo sii wadaan xidhiidhkooda, halkee Somaliland is gayn doontaa waana sida ay u badan tahaye. Xaqiiqo ahaan wax la yidhaa ergayga Somaliland iyo Soomaaliya ma jirto ee waa mid kali ah oo ah ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Waxa uu ahaa go’aan aan khusayn oo dalkaasi Soomaaliya Khuseeya meel uga bannaanayd Somaliland arrinkaasi ma jiro”. Sidaa waxa yidhi Cabdiraxmaan Xuseen Jaamac oo xidhiidhka caalamiga ah ka dhiga jaamacadaha dalka oo wargeyska Foore arrintan uga warramay.
Si kastaba ha ahaatee waxa la dhawri doonaa halka ay iskala soo dhacaan Maamulka Farmaajo iyo xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM oo fadhigiisu Muqdisho yahay iyo waxa Somaliland ugu soo kordha taageerada ay la garab joogsatay Wakiilka Muqdisho laga caydhiyey.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top