Waa mid run ah oo ka dhacday dhulka kan aynu ku nool nahay gaar ahaan Hargeysa waxayna ahayd sidan:-
Maalin maalmaha ka mid ah Abaaro 4:00 galabnimo ayaa waxa cisbitaal ku yaala magaalada hargeysa la keenay Nin aad u burbursan oo lafo badani burureen oo (coma) ama miyir beel ku jira hadba sidaad u taqaano’e markii loo sameeyey dhaqdhaqaaq caafimaad oo xooga oo laga badalay dharkii oo laga nadiifiyey dhiigii badnaa ee ka dhacay qaliina lagu sameeyey ayaa lagu soo celiyey waadhkii jajabka isagoo meel walba ay kaga duuban tahay (FAASHAD) ama baandhays ama goos hadba waa sidaad u taqaano’e markii waadhkii la
dhigay dhamaan dadka waadhka jiifa waxa xiskooda miranaayey tolow ma gaadhibaa jiidhay, tolow ma baabuurbuu ka dhacay, tolow ma fooq buu kasoo dhacay, tolow ma gidaarbaa ku dumay iyagoo dadkii la yaaban ninkan waxa intan leeg ee ku dhacay ee sidan u burburiyey ayaa ay habeen noqotay oo intii seexanaysay iska seexatay intii taahaysayna iska taahday ileen waa dad jajabane.
Markii waagii baryey Nin walbaaba waagii la toosye ayaa dadkii qof walbaaba wuxuu u hamuun qabaa inuu ogaado waxa ninkii ku dhacay.
Markii la bariistay ayuu ninkii dhaq-dhaqaaqay oo koomo iyo hurdo dheer kasoo baxay ayey dadkii isagii oo kaliya cidii la seexatayna quraac iyo jidh maydhasho tagtay ayey dadkii ninkii su’aaleed “walaal maxaa kugu dhacay ee sidan kuu galay.” ninkii oo yara dhoola cadaynaaya xanuun badani ka muuqdo ayaa yidhi ” WALAL NIN DIYAARAD KASOO DHACAYBAA IGU DHACAY ……… AAAAAX LKN ALXAMDULAH………!!!!!
Dadkii oo yaaban ayaa inan sariirta ku xigtay jiifay oo lug laga qalay ku celiyey “walal malaha is maydun fahmine maxaa u sabab ahaa nabaradaadan”
Ninkii ayaa ku celiyey walal “Nin diyaarad kasoo dhacay baa igu dhacay dadkii oo la yaaban oo markaa qiray in ninkan jugtii wax u dhintay ayaa waxa ay arkeen inan isaga adeer u ah oo habeenkii la seexaday oo markaa quraac ku maqnaa oo markaa soo galay waadhkii waxayna su’aaleen dadkii “walal maxa inanka ku dhacay “
Wuxuu ugu jawaabay ” walal Nin diyaarad kasoo dhacay baa ku dhacay”.