Connect with us

somalilandtoday.com

Goobaha Dalxiiska Magaalada Washington Ee Dalka Maraykanka Oo La Xidhay

focus

Goobaha Dalxiiska Magaalada Washington Ee Dalka Maraykanka Oo La Xidhay

(SLT-Washington)-Dadka usoo dalxiiska taga magaalada Washington ee caasimadda Mareykanka ayaa maanta la kulmi doona inay xidhan yihiin goobaha soo jiidashada leh, sababo la xidhiidha hakadka ku yimid qeyb ka mid ah howlaha dowladda Mareykanka.

Lacagta ku bixi jirtay inuu furnaado madxafka Smithsonian ayaa dhamaatay. Sidoo kale carwada qaranka ayaa iyana la xiri doona, waxaana dheer in in xarunta farshaxanka qaranka iyana albaabada la isugu dhufan doono khamiista.

Hakadka ku jira howlaha dowladda Mareykanka ayaa maanta galay maalintii 12-aad ayada oo xisbiga dimoqraadiga uu isku diyaarinayo inuu la wareego hoggaanka aqalka wakiilada Mareykanka.

Marka uu congress-ka cusub ee mareykanka fariisto khamiista, hogaamiyayaasha dimoqraadiga ayaa qorshaynaya inay si deg deg ah u ansixiyaan miisaaniyad cusub oo dib u furta dowladda islamarkaana 800,000 oo shaqaalaha federaalka ah dib ugu soo celiya shaqadooda.

Waxa ay sheegeen in miisaaniyadda aysan ku jiri doonin lacagta uu doonayo madaxweyne Trump inuu darbi uga dhiso xuduudda Mexico, oo markii horeba keentay muraanka dhaliyey in miisaaniyadda 2019 aan la ansixin.

Xubnaha xisbiga Jamhuuriga ee maamula aqalka senate-ka ayaa sheegay inaysan ansixin doonin sharciga aqalka wakiilada, haddii uusan raali ka ahayn madaxweyne Donald Trump.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top