Connect with us

somalilandtoday.com

Muqdisho: Xaruntii Qaramada Midoobay Ee Xalane Oo Hubiyayaal Lagu Weeraray.

focus

Muqdisho: Xaruntii Qaramada Midoobay Ee Xalane Oo Hubiyayaal Lagu Weeraray.

(SLT-Muqdisho) Faah faahin ayaa ka soo baxaya madaafiic hoobiyeyaal ah oo maanta lagu weeraray Xarunta Xalane oo Talis u ah Ciidanka AMISOM, isla markaana ay ku yaallaan Xafiisyada Qaramada Midoobey iyo safaaradaha Ajnabiga ee jooga Dalkaasi Soomaaliya.

Sawirro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya saameynta madaafiicda hoobiyeyaasha oo gudaha ugu dhacay xarunta Qaramada Midoobey ee UNSOM.

Illaa afar madfac ayaa ku dhacay xarunta UN-ka, waxaa la sheegayaa in labo ruux oo shaqaalaha UN-ka in dhaawac ka soo gaareen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in mid ka mid ah Hoobiyeyaasha ku dhacay hoyga Kuxigeenka Wakiilka Qaramada Midoobey.

Madaafiicda lagu garaacay xarunta Xalane ayaa ku soo beegmay, iyadoo maanta loo dabaal degayo sanadka cusub ee 2019, isla markaana inta badan shaqaalaha UN-ka iyo kuwa kale ee Ajnabiga ay fasax yihiin.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top