Connect with us

somalilandtoday.com

Dawladda Soomaliya Oo Maxkamad La’aan Dil Toogasho Ah Ku Fulisay Lix Ruux.

focus

Dawladda Soomaliya Oo Maxkamad La’aan Dil Toogasho Ah Ku Fulisay Lix Ruux.

(SLT-Muqdisho)Wararka ka imaanaya Degmada Baardheere ee gobalka Gaedo ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee jooga degmadaasi ay toogteen 6-qof oo la sheegay in ay ka tirsanaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Saraakiisha Ciidanka ee degmada Baardheere ayaa sheegay in maxkamad aysan marsiin raga la toogtay , waxaa ayna arintaasi u sababeeyeen kadib markii dhawaan uu go’aan ka soo baxay Taliska Milatariga iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, kaasi oo ku aadanaa in ay toogtaan meesha ay ku arkaan xubnaha Al-Shabaab.

Saraakiisha ayaa waxaa ay faahfaahiyeen Magacyada Raga ay toogteen:-

1.Saleebaan Maxamed Sheekh

2.Maxamuud Maxamed Buule

3.Maxamed Cabdi Cali.

4.Maxamed Yuusuf Isaaq

5.Aadan Carabeey Xalane.

6.Maadeey Xaaji Macalin.

Faarax Maxamed Turbac oo ah Taliyaha Ururka 49aad ee Miltariga Soomaaliya oo la hadlay VOA ayaa sheegay in ay fulinayaan go’aankii dhawaan ka soo baxay Taliska Milatariga iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, kaasi oo ku aadanaa in ay toogtaan meesha ay ku arkaan xubnaha Al-Shabaab.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top