focus

Wasiir Xilka Iskaga Casishay Walaalkeed Oo Hoggaamiye Ka Ah Kooxda Daacish

Published on

(SLT-Ciraaq)-Wasiiraddii Tacliinta ee Dowladda Iraq, Shayma Khaliil Al-hayali ayaa is-casishay, maalmo kadib markii ay Mudanayaasha Barlamaanka ansixiyeen magacaabisteeda..

Is-casilaadeeda ayaa timid, kadib, markii warar dhinaca Sirdoonka sheegeen inuu Walaalkeeda oo lagu magacaabo Layth Khaliil Al-hayali ahaa Hoggaamiyihii Kooxda Daacish ee magaalladda Mosul muddadii u dhexeysay 2014-kii ilaa 2016-kii.

Sirdoonka waxay kaloo sheegeen in 2 wiil oo uu dhalay Layth Khaliil Al-hayali lagu dilay dagaalkii Kooxda Daacish looga saaray magaalladda Mosul sannadkii 2016-kii.

Dhinaca kale, Wasiiraddii Tacliinta ee Dowladda Iraq ee is-casishay, Shayma Khaliil Al-hayali ayaa la sheegay inay Ra’isul-wasaare Caadil Cabdul Mahdi u gudbisay qoraalkii ay isku casishay.

Wasiiradda oo ka tirsan Isbahaysiga Al-Binna ee taageersan Dowladda Iiraan waxay sheegtay in Walaalkeeda lagu khasbay inuu la shaqeeyo Kooxda Daacish, looguna hanjabay in la dili doono.

Copyright © 2020 Somaliland Today.