Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Curashada Sannadka Cusub Ee Miilaadiga Hambalyo U Diray Shacabka Reer Somaliland

focus

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Curashada Sannadka Cusub Ee Miilaadiga Hambalyo U Diray Shacabka Reer Somaliland

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu munaasibadda Sannadka Cusub ee miilaadiga 2019-ka awgeed, kuna beegan 25-ka bisha Rabiicu-taani, 1440-ka ee sannadka Hijriga uu Hambalyo iyo Salaan u dirayaa dhammaan Shacbi weynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee ku dhaqan gudaha iyo dibedda dalka.

Madaxweynuhu mar labaad waxa uu Munaasabada Sannadka Cusub oo ka mid ah munaasabadaha Fasaxa Qaran awgeed uu Hambalyo iyo Salaan u dirayaa dhammaan Shaqaalaha kala duwan ee Dawladda, Qaybaha Ciidamada Qalabka sida, Goleyaasha Qaranka iyo guud ahaan Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay ku kala nool yihiin.

Madaxweynuhu waxa uu Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ALLE uga baryayaa inay Sannadka, sanadkiisa kale ku gaadhaan Nabadqab, Barwaaqo, bash-bash iyo Horumar. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi wuxuu Shucuubta Caalamka u rajaynayaa in Sannadka 2019-ku noqdo kii ula kowsada nabadgelyo iyo xasillooni taama.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top