Connect with us

somalilandtoday.com

Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland

focus

Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland

(SLT-Hargeysa)-Shirkadda Imaaraadka Carabta ee DP World ayaa wax ka beddeshay qorshaheedii dekedda Berbera, waxaana ay hoos u dhigtay muhiimaddii dekeddaas, Waxaana la sheegay inaysan dooneyn inay maal-gelin buuxda ku sameyso dekedda Berbera, sida qorshuhu ahaa.

Kulan uu guddoomiayah DP World Sultan Ahmed Bin Sulayman la yeeshay, madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxa uu u gudbiyey dhowr arrimood oo walaac uu ka qabo.

Sultan Ahmed ayaa sheegay in DP World ay mar kasta hoggaamiso rabitaanka dowladda Ethiopia, maadaama Ethiopia ay tahay kalyantiga kaliya ee la qorsheeyey in dekedda uu isticmaalo, islamarkaana DP World ay sidoo kale maamuleyso dekedda Assab ee Eritrea. Tani waxa uu macanaheedu yahay haddii Ethiopia ay doorbideyso dekedda Assab, sababo siyaasadeed dartood, waxa ay DP World ku qasban tahay inay xoogga saarto dekedda Assab, taasi oo saameyn ku yeelan doonta horumarintii la qorsheeyey in DP World ay ku sameyso dekedda Berbera.

Markii heshiiska Bebera ay galeen Somaliland iyo DP World, Eritrea waxay ku jirtay go’doon siyaasadeed, waxaana Ethiopia maamulayey Hailemariam Desalegn. Isbeddelkii deg degga ahaa ee dhacay iyo imaatinkii Abiy Ahmed, oo xoogga saaray inuu soo dhoweysto Eritrea, ayaa wax walba beddelay, caqabadna ku noqday Somaliland.

Waxaa durba jira astaamo muujinaya in Ethiopia doorbideyso dekedda Assab. Dhowaan Addis-Ababa waxay ku gacan seertay codsi ka yimid Hargeysa oo ku saabsanaa in la dhiso dhuun gaas ah oo shidaalka kasoo qaadda dhulka Soomaalida ama Killinka Shanaad, marka shidaalka laga soo saaro, lagana dhoofiyo dekedda Berbera.

Wararka ayaa sheegaya in Ethiopia ay doorbideyso dekedaha Assaba ama Jabuuti midkood, dhuunta shidaalkana dhinacaas la mariyo.

Dhinaca kale, isaga oo amar ka helaya ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, ayaa wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia Workeneh Gebeyahu waxaa la sheegay inuu hor-istaagay in wafti ka socda Ethiopia ay ka qeyb galaan xafladdii furitaanka dekedda Berbera ee dhacday 11-kii October 2018.

Source: Booramanews

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top