Connect with us

somalilandtoday.com

Prof. Cabdi Cali Oo Dacwad Ka Dhan Ah KULMIYE U Gudbinaya Guddiga Diiwaan-gelinta Ururada Siyaasadda Iyo Ansixinta Xisbiyadda

focus

Prof. Cabdi Cali Oo Dacwad Ka Dhan Ah KULMIYE U Gudbinaya Guddiga Diiwaan-gelinta Ururada Siyaasadda Iyo Ansixinta Xisbiyadda

(SLT-Hargeysa)-Prof. Cabdi Cali Jaamac ayaa waxa uu sheegay in uu dacwad ka gudbiyay xisbi xaakimka KULMIYE oo dhawaan la sheegay in laga saaray saddex masuul oo uu ku jiro.


Prof. Cabdi Cali Jaamac ayaa waxa uu sheegay in qareenadiisa u gudbiyay dacwadaasi, waxaanu sheegay in iyaguna ay u gudbin doonaan guddiga diiwaangelinta ururada siyaasadda iyo ansixinta xisbiyada Somaliland.


Dhawaan ayay ahayd markii warqad ka soo baxday xafiiska guddoomiye ku-xigeenka xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Dheere lagu sheegay in xisbigaasi laga saaray mas’uuliyiin saddex ah oo ku jiro Prof. Cabdi Cali Jaamac.


Prof. Cabdi Cali Jaamac ayaa waxa uu sheegay in uu rajo weyn ka qabo in uu ku guulaysan doono dacwadaasi.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top