Connect with us

somalilandtoday.com

“Intii Aan Jirnay Dowladda Soomaaliya Ayaa Dagaal Nagu Waddey….” Madaxweynaha Maamulka Galmudug

focus

“Intii Aan Jirnay Dowladda Soomaaliya Ayaa Dagaal Nagu Waddey….” Madaxweynaha Maamulka Galmudug

(SLT- Galmudug)-Axmed Geelle Xaaf, madaxweynaha maamulka Galmudug oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay inuu ka xunyahay dagaalka ka socda agagaarka Maxaas, isaga oo soo-jeediyey in xabad $1 joogta aanu dhimman wiil 20 jir ah, lana joojiyo dirirta ay ku dhimmanayaan dadka walaalaha ah.

Dhinaca kale, Xaaf waxaa uu ku eedeeyey dowladda federaalka ah faro-gelin“Waxaan rabaa in aan intaas ku daro, Galmudug 19-kii bilood ee ay jirtay waxaa la dagaalamayey dowladda federaalka ah, wixii aan qabanana feer iyo haraati baan ku qabaneynay, xoog iyo innaga oo lugaha iyo gacmaha nala heysto, innaga canshuurtii waa nalaka joojiyey, tii adduunka waa nalaka joojiyey, waxaa nooga sii daran maalin walba waxaa la soo diraa guddi fitno wado”.

Madaxweyne Xaaf waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay wyfuud ay dowladda u direyso maamulkiisa iyada oo aan lagala tashan, wuxuuna xusay in aanay waxbo soo kordhin karin.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top