Hoggaamiyaha waxa abuura dadka uu maamulayo. Jaamacadda Michigan iyo ‘Ohio State University’ iyaga oo ka duulaya aragtida isku ladhaysa hoggaamiyaha iyo raaciyiinta waxa ay soo saareen laba qodob oo hal-bawle u ah madaxtinimada, kuwaas oo kala ah:
Hawsha la qabanayo
Xidhiidhka dadwaynaha.
Labada qodob waxa ay hoggaaminta la mataneeyaan cilmiga maaraynta. Maarayn ayaa noqonaysa furayaasha dhaqaajinaya hawl kasta oo uu rabo hoggaamiyuhu in uu ku talaabsado sidaa daradeed hoggaamintu kuma koobmayso sifooyin la barto ama lagu dhasho.
Hoggaamintu waa dhalan-rog uu qof ku sameeyo qofaf kale caaddooyinooda la xidhiidha qiyamkooda nololleed. Hoggaamiyaha qeexista leh – Transformational Leader – waa kan ugu sareeya dunnidda hoggaaminta.
Hoggaamiyahan waxa lagu baadi-soocdaa dhawr qodob:
Haddaba haddii aynu qeexnay hoggaamiyaha haybadda leh. Su’aasha soo baxaysaa waxa weeye sidee ayuu hoggaamiyahaasi uga midho dhaliyaa hiraalkiisa?
Maarayn ayaa aynu kor ku xusnay in ay tahay furayaasha dhaqaajiya hiraalka hoggaalinta ha-yeeshee, nolosha ayaa ay caaddadeed tahay kac oo kuf. Nin ayaa hadda ka hor laga soo xigtay: Hoggaamintu waa wax iibin, wax iibintuna hadal bay rabtaa, sidaa daradeed hoggaamintu waa hadal.
Insaanku waa noollaha xayawaanka kale dheer wax-is-waydiinta hadalka ku dhisan. Xidhiidhku waxa uu noqon karaa ereyo la is dhaafsado; waxa uu noqon karaa is-fahan maskaxeed ama fariimo la isugu gudbiyo xubnaha jidhka.
Luuqad ayaa jirta ka duwan hadalka ay ku hadlaan basharka caaddiga ahi; lahjadan waxa ay madaxdu isticmalayeen tan iyo maalintii Nabi Muuse ‘cs’ ALLAH ‘swt’ ka codsaday in walalkii Haruun ‘cs’ uu uga dhigo ‘speechwriter’ ka caawiya toosinta ummadda iyo gudbinta kalmadda tolmoon.