Connect with us

somalilandtoday.com

Wasiirka Gaashaandhigga Kenya Oo Booqasho Kedis Ah Ku Tegey Qaar Ka Mid Ah Saldhigyada Ciidamada Ee Ay Ku Leeyihiin Gudaha Soomaaliya

focus

Wasiirka Gaashaandhigga Kenya Oo Booqasho Kedis Ah Ku Tegey Qaar Ka Mid Ah Saldhigyada Ciidamada Ee Ay Ku Leeyihiin Gudaha Soomaaliya

(SLT-Muqdisho)-Wasiirka Gaashaandhigga dalka Kenya Raychelle Omamo iyo taliyaha ciidamada Kenya General Samson Mwathethe oo booqasho kedis ah ku tegey qaar ka mid ah saldhigyada ay ciidamada Kenya ku leeyihiin gudaha dalka Soomaaliya ayaa ku tilmaamay ciidamadaas inay yihiin gaashaan adag oo ilaalinaya shacabka Kenya.

Omamo iyo Gen Mwathethe ayaa booqday illaa saldhig Milatari oo ku yaal deegaano ka tirsan Maamulka Jubbaland maalin kahor ayaa waxa ay ku amaaneen ugana mahadceliyeen ciidamada Kenya sida ay uga go’an tahay inuu noqdo ammaan dalka Kenya.

“Waxaan idinkaga mahadcelineynaa geesinimadiina,waxaan idiin sheegayaa in in dhammaan shacabka Kenya ay idinku hanweyn yihiin oo ay idinku faanayaan. Waxaad si adag aad u horistaagteen oo aad la dagaalanteen oo aad ka difaacdaan halista dhulkeena hooyo,”ayay tiri CS Omamo said.

Sidoo kale taliyaha ciidamada Kenya Gen Mwathethe ayaa salaan kadib ciidamada Kenya ee ay saldhigyadooda ku booqdeen u sheegay ugaga mahadceliyay askarta inay xaqiijiyeen ammaanka shacabkooda si ay nolol maalmeedkooda u qabsadaan.

Ciidamo ka socda dalka Kenya ayaa ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta AMISOM hase yeeshee ujeedada ay u joogaan dalka Soomaaliya ayaa ah mid ay ku doonayaan inay ugaga hortagaan weerarada ay dagaalamayaasha Al-Shabaab ka geysanayeen gudaha dalka Kenya.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top