Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Maraykanka Oo Baajiyay Kulan Uu La Yeelan Laha Raysal Wasaaraha Iraq.

focus

Madaxweynaha Maraykanka Oo Baajiyay Kulan Uu La Yeelan Laha Raysal Wasaaraha Iraq.


(SLT-Iraq) Madaxweynaha dalka Maraykanka waxa uu xalay booqasho aan horey loo sii shaacinin, ahayd tii ugu horreysay ee uu ku tegay Caasimadda dalka Iraq ee Baqdaad, halkaasi oo uu kula kulmay Askarta Maraykanka ka joogta Iraq.

Diyaaradda Khaaska ee uu Madaxweyne Trump waxay xalay xilli gudcur ah caga-dhigatay Saldhigga Ciiddanka Cirka ee Al Asad Air Base, ee Galbeedka Iraq.

Waxa uu Hangarka Saldhigaasi kula kulmay Ciiddanka Maraykanka ee halkaasi jooga, wuxuuna la qaatay xilli kooban, isagoo khudbad u jeediyey, lana kaftamay Askartaasi.

Madaxweyne Donald Trump iyo Xaaskiisa Melenia waxay muddo 3 saacadood ku sugnaayeen Saldhigaasi, ka hor inta aysan u dhoofin dalkodoa, waxayna ku hakadeen dalka Jarmalka.

Qorshihii uu Madaxweyne Trump kula kulmi lahaa Ra’isul-wasaaraha dalka Iraq, Caadil Cabdul Mahdi ayaa baaqday, kadib, khilaaf ka dhashay maareynta Kulankaasi oo ka dhici lahaa Saldhigga Ciiddanka Cirka ee Al-asad, ee uu Madaxweyne Trump ku soo degay.

Madaxweyne Trump waxa uu Kulankaasi bedelkiisa khadka Telefoonka kula hadlay Raysal Wasaaraha Iraq oo isaga Socdaalka Madaxweyne Trump lagu soo wargeliyey waqti dambe oo xalay ahayd markii uu soo gaaray Iraq.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska RW Iraq ayaa lagu sheegay inay RW Caadil Cabdul Mahdi iyo Trump ku wada hadleen Telefoonka, iyagoo isla eegay Xaalladihi iugu dambeeyey ee Gobalka, gaar ahaan Go’aanii Madaxweyne Trump ee uu ku sheegay in Milliteriga Maraykanka laga wada saari doono gudaha dalka Syria.

Kulankaasi ayaa la rumeysan yahay in loo baajiyey sababo dhinaca Ammaanka, iyadoo ay Kooxda Daacish weli si dhuumaalaysi ah hawlgalo uga fuliyaan gudaha dalka Iraq.

Dhinaca kale, Xildhibaanadda Barlamaanka Iraq waxay cambaareeyeen Booqashadda Donald Trump, kuna sheegeen xadgudub lagu sameeyey Madax-bannaanida dalkooda.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top