Connect with us

somalilandtoday.com

Askari Ka Tirsan Ciidammada Maamulka Puntland Oo Lagu Dilay Boosaaso

focus

Askari Ka Tirsan Ciidammada Maamulka Puntland Oo Lagu Dilay Boosaaso

(SLT-Boosaaso)-Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidanka Puntland lagu dilay xalay, iyadoo kooxo hubeysan ay ka dambeeyeen dilkiisa.

Askariga ayaa la sheegay in lagu dilay bartamaha magaalada Boosaaso, kooxda dilka geysatay oo ahaa bastooladley ka baxsadeen goobta.

Ciidamo ka tirsan kuwa Ammaanka ayaa howlgalo lagu baadigoobayo kooxdii dilka geysatay ka wada xaafadaha Boosaaso, inkastoo aysan weli suuragelin in gacanta lagu soo dhigo.

Magaalada Boosaaso ayaa muddooyinkii u dambeeyay ka dhacayay dilal kala duwan, waxaa dilka ugu badan loo geysanayay ganacsato.

Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha waqtigiisa sii dhamaanaya C/weli Gaas ayaa lagu dhaliilay in aysan waxba ka qaban amniga magaalada Boosaaso oo ah halka kaliya ee magaalooyinka Puntland dilalka ugu badan ay ka dhacayeen.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top