Connect with us

somalilandtoday.com

Gaadhi Uu Leeyahay Isuduwaha Wasaaradda Beeraha Ee Gobolka Togdheer Oo Ay Wateen Carruur Uu Dhalay Mas’uulkani Oo Gaadhi Kale Jiidhay Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

focus

Gaadhi Uu Leeyahay Isuduwaha Wasaaradda Beeraha Ee Gobolka Togdheer Oo Ay Wateen Carruur Uu Dhalay Mas’uulkani Oo Gaadhi Kale Jiidhay Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

(SLT-Hargeysa)-Gaadhigii isuduwaha wasaaradda beeraha ee gobolka Togdheer Cabdi Guray ayaa waxa la sheegay in uu jiidhay gaadhi yar oo ah nooca loo yaqaano dhukhaanka (Vits).

Gaadhigii isuduwaha wasaaradda beeraha ee gobolka Togdheer ayaa waxa ay wararku sheegayaan in markii uu shilkani dhacay ay wateen carruur uu dhalay mas’uulkani.

Wararku waxa ay intaas ku darayaan inay saddex qof ku dhaawacmeen gaadhagan uu jiidhay gaadhiga isuduwaha wasaaradda beeraha ee gobolka Togdheer.

Image may contain: car and outdoor
Image may contain: sky, car and outdoor

Gaadhigan ayaa waxaa lahaan jirtay Wasaaradda beeraha Somaliland waxaana hore lagu wareejiyay Gaadhigii isuduwaha wasaaradda beeraha ee gobolka Togdheer Cabdi Guray.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top