Connect with us

somalilandtoday.com

Xidigaha Ugu Fiican Horyaalka Ingiriiska Sannadkan Oo Xogtooda La Sii Daayay.

focus

Xidigaha Ugu Fiican Horyaalka Ingiriiska Sannadkan Oo Xogtooda La Sii Daayay.

(SLT-London)Waxaa lagu jiraa waqtig sanad kasta ay qiimaynta ugu badan warbaahinta kubbada cagtu ka sameeyaan ciyaartoydii ama kooxihii ugu bandhiga fiicnaa wuxuuna Sky Sports soo saaray tobanka xidig ee ay u aqoonsadeen in ay sanadkan 2018 ugu fiicnaayeen kubbada cagta England.

Sky Sports oo haysta xuquuqda baahinta kulamada premier league inta ugu badan ayaa haya xogta ciyaartoyda iyo waliba bandhiga ay soo sameeyeen oo muuqaal iyo xogba lagu hayo waxayna ugu danbayn isku ururiyeen xogta qiimayntooda tobanka xidig ee Premier League ugu fiican.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qiimaynta Sky Sports uu ku soo saaray tobanka xidig ee sanadkan dhamaadka ee 2018 ugu fiicnaa Premier League iyo mid kastaaba kaalinta uu ku jiro. Halkan kaga bogo liiska iyo faah faahintiisa.

  1. Wilfried Zaha (Crystal Palace)

Haddii aanu dhamaadkii xili ciyaareedkii hore kuna beegnayd horaantii sanadkan 2018 uuna Wilfried Zaha soo bandhigin qaab ciyaareedkii layaabka lahaa waxay maanta Crystal Palace ku jiri lahayd heerka labaad ee kubbada cagta England.

Zaha ayaa lagu tilmaamay in uu yahay xidiga Premier league ugu fiican ee aan ka tirsanayn lixda kooxood ee Premier league ugu waa wayn mana jiro xidig kale oo kaalintan ku haystaa, laakiin taas badalkeeda waxa uu noqday xidiga tobnaad ee guud ahaan premier league oo dhan ugu fiican.

Zaha ayaa soo jiitay indhaha kooxaha waa wayn ee Premier league gaar ahaan kooxaha Tottenham iyo Liverpool laakiin waxa uu wali ka ciyaarayaa kooxda Crystal Palace waxaana la filayaa in waqti aan fogayn ay koox wayni qiimo sare ku dalban doonto.

Zaha ayaa ka mid ah ciyaartoyda ugu gambiska iyo xawaaraha badan Premier league kaas oo dhibaato badan ku abuuray difaacyada kooxaha ka soo horjeeda wuxuuna qiimaynta Sky Sports kaga soo baxay kaalinta 10 aad ee ciyaartoyda sanadkan 2018 ugu fiican Premier league.

  1. Pierre-Emerick Aubameyang (Arsenal)

Aubameyang ayaa bishii January ee horaantii sanadkan waxay Arsenal kula soo wareegtay £60 milyan gini kadib markii uu kooxda Brussia Dortmund ku qanciyay in waqtigiisii Germany uu soo dhmaaaday wuxuuna xidiga reer Gabon noqday mid muhiimad wayn u yeeshay kooxdiisa Gunners.

Tayada Aubameyang waxaa la ogaa isaga oo aan Premier league soo gaadhin waxaana hore ugu dagaalamayay kooxaha Yurub ugu waa wayn oo dhan laakiin markii ay kooxaha yurub hoos u dhigeen dadaalkii ay Aubameyang ku doonayeen ayay Gunners si wayn ugu guulaysatay.

Aubameyang ayaa 20 gool oo Premier league ah soo dhaliyay 29 kii kulan uu sanadkan u soo ciyaaray Arsenal taas oo muujinaysa in uu ka mid yahay gool dhaliyaasha ugu halista badan horyaalka Premier league.

Aubameyang ayaa noqday xidig 9 aad ee Premier league ugu fiican sanadkan 2018 ee qiimaynta khaaska ah ee uu Sky Sports soo saaray.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top