Connect with us

somalilandtoday.com

Caqiidada Siyaasadeed Ee Kulmiye Waxay Magaalo Xeebeedii Berbera Ka Dhigtay Goobtii Tijaabada Mashaariicda Mashqaca Ah

Articles

Caqiidada Siyaasadeed Ee Kulmiye Waxay Magaalo Xeebeedii Berbera Ka Dhigtay Goobtii Tijaabada Mashaariicda Mashqaca Ah

Ummad kasta wuxuu baaba’eedu bilaabmaa marka Cadaaladu hagaasto ee Xeerarka dastuurku shaqeyn waayaan ee cilmiga iyo caqliga laga maqaar siibto waana arinta maanta Somalilaan ka taagan. Sida hantidii maguurtada aheyd ee ummadda Somalilaan u dhaxaysay ay gacanta ugu gashay shaqsiyaad gaar ah oo sife gaar ah uga faa’ideystay ayaa guryihii waaweynaa ee dawladuna ay gacanta ugu galeen intii loo dirtay ee loo doortay ee loo dhaariyey ilaalinta hantidii qaranka ka dhaxaysay. Waxaanu la yaabnay Kirooyinka lagu soo rogay guryihii dawlada ee dunsanaa ee magaalada Berbera! Waxaanu iyana la yaabnay sababta Gobolka Saaxil degmadiisa Berbera kolba loogu tijaabiyo Mashaariicda mashqaca ah ee

aan odoroska iyo alooska hufan laheyn. Waxaana ka mid ah Mashaaciidaa Berbera lagu tijaabinaayo kuwan hoose :

1- Mashruuca Guutada Ciidanka ka hortaga Kacdoonadda iyo Mudaharaadada ,Boowe! hada ciidamadaasi gobolada dalka oo dhan kama jiraan Berbera mooyaane.
Ciidamo lama diidana ee waxay Ciidamo ay Ciidamo qaran noqdaan marka ay dalka oo dhan ka jiraan ee ay dastuurka qaranka waafaqsan yihiin ee maaha in gobol gaar ah ciidamo gaar ah la dul-dhigo oo lagu cabudhiyo. Dastuurka qaranku wuxuu cadeynayaa in ay dalka jiraan Sadex ciidan oo kala ah : Boliiska, Asluubta iyo Melateriga.

2- Mashruuca Gudida Xalinta Khilaafaadka dhulka oo aan isaguna ka jirin kana howlgelin Gobolada dalka intiisa kale oo dhan, oo xataa lagu tijaabiyey laakiin ay ka suurtoobi wayday in ay Gudidaasi ka howlgalaan Caasimada Hargeisa, mashruucan ayaa lagu tijaabiyey Magaalada Berbera waana uu ka dhaqan galay, waxaana la wada ogaa wixii ka dhacay Agoontii Marxuun Madaxweyne Cigaal ka tegay markii dhulkoodii lagu qabsaday. Hadaba Xeerarka dhulka ee gudidaasi ku shaqeysaa waxay iyana ay Xeerar iyo xeegaano qaran oo sharci ah noqonayaan marka ay Gobolada dalka oo dhan ka dhaqan galaan.

3- Mashruuca ururinta kirooyinka ee Wasaarada Howlaha Guud ay dhawaan ka bilaabeen Magaalada Berbera. ayaa isna ah mashruuc “geed sare waab ah” maadaama lagu bilaabay mashruucaas mujaahidiintii dan yarta ahaa ee deganaa guryaha dunsan ee magaalada Berbera. Halka ay ahayd in odoroska iyo ururinta Kirada guryaha dawlada ay ka soo bilaabaan Guryaha Waaweyn ee shacabka Caasimada Hargeysa taxan ee ay maquunada isu siiyeen intii dalka loo dhaariyey ee talada qaranka bud-dhigi laheyd. Somaalida ayaa ku maah-maahdaa ” Miskiin ayaa Misko la fuulo leh”, Marna laga yeeli maayo Xukuumada in ay meesha ka saarto xuquuqda aas-aasiga ah ee mujaahidiinta dan yarta ah ee aan awoodin in ay bixiyaan kirooyinka badan ee la dul dhigay.

Mujaahidiintaa bilaa camalka ah ee kirada aanay qaadi kareyn la dul dhigay, guryahan ay ku jiraan markii horeba looma siin Hadyad, balse waxay u soo mareen halgan dheer, surimo colaadeed iyo saymo dhaxameed, waxay u soo qubeen dhiig badan, waxaana ay u soo hureen naf iyo maal. Waana Halyeeyadii aan habeenka ledin ee keenay hiilka alleh,guusha iyo garaadaha cas cas ee maanta la isugu faanaayo. Sidaa Daraadeed waxaa xukuumada looga fadhiyaa in ay tixgeliso duruufaha qalafsan ee ku gedaaman mujaahidiintaa iyo dhamaan dadka dan yarta ah ee degan guryaha dawlada ee kirada lagu soo rogay.

Waxaan ku soo garoocayaa qormadan : Gobanimo dadka mudan, Galadana Allaa iska leh, Shacabow tiraa ka gedmane wax isu geygeyso !!

Alleh ayaa Mahad iyo mudnaanba leh,
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London
inafidhinle@gmail.com

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top