Connect with us

somalilandtoday.com

“Cagta Ayaan Marin Doonnaa Kurdish-Ka Suuriya…” Dawladda Turkiga Oo Ku Dhawaaqday Inay Cagta Marinayso Kurdish-Ka Dalka Suuriya

focus

“Cagta Ayaan Marin Doonnaa Kurdish-Ka Suuriya…” Dawladda Turkiga Oo Ku Dhawaaqday Inay Cagta Marinayso Kurdish-Ka Dalka Suuriya

(SLT-Ankara)-Turkey ayaa maanta sheegtay inay ka go’an tahay in ay cagta mariso ciidamada Kurdish-ka dalka Suuriya, sida ay qortay wakaaladda wararka AP.

Wasiirka arrimaha dibedda Turkey, Mevlut Cavusoglu ayaa weriyayaasha u sheegay in “haddii Tukey ay tiraahdo waan galaynaa, waa ay galaysaa”

Toddobaadyadii tagay, Turkey ayaa ku hanjabeysay inay billaabi doonto howlgal cusub oo ka dhan ah dagaalyahannada Kurdishka, oo ayaga oo xulafaysanaya ciidamada Mareykanka ka adkaaday kooxda Daacish ee waqooyiga iyo bariga Syria.

Ankara ayaa ciidamada Kurdish-ka u aragtay argagixiso, sababo la xiriira xiriirka ay la leeyihiin kooxaha fallaagada Kurdish-ka ee gudaha dalka Turkiga.

Madaxweyne Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in ciidamada Mareykaka uu ka saarayo Suuriya, kadib markii uu qadka taleefonka kula hadlay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Cavusoglu ayaa sheegay in Turkey “ay leedahay awood ay kaligeed wax uga qabato Daacish” waxaana uu cambaareeey France oo sheegtay inay ciidamadeeda kusii hayn doonto Suuriya inkasta oo uu jiro go’aanka Mareykanka.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top