Connect with us

somalilandtoday.com

Qaydhinkuu ku qaybiyay qarankii!!! W/Q MaxamedSidiiq Dhamme

Articles

Qaydhinkuu ku qaybiyay qarankii!!! W/Q MaxamedSidiiq Dhamme

Qarranimadii qurux lahayd, dawladnimadii haybad lahayd, maamulkii, maaliyaddii iyo manfacii dalka la wadaagi jiray iska illoow maanta jifo hoose ayaa isku haysta oo ku dagaalamaya cashuurtii ummadda. Arrimaha jiraa waxay muujinayaan hoggaamiye macaash doona iyo hurrin xoolo ururis hammigooda u weyni yahay in qarankii u gacan galay. sidaasay ahaanaysa iyo si ka daran toddobadaa inana iyaga manfaca wadaagaya oo dawladnimada dheefteeda ka dhiilo hilanaaya unta maamulkani jiro.

Ummaddu sharafteeda ha ilaashato oo yaan

la aqbalin hab-maamulka gurracan ee maanta jira, nidaamka jiraa wuu dumayaa siina soconmaayo, waxa laysku hayaa waa dano gaara oo ay isku baacsanayaa kudlado kooban oo isku ardaaya. Sinaan ummadeed iyo sawrac dawladnimo raadkeedi lama hayo. Kooxaysiga qolaba qolo jiidhaysayso ayaan lagaba dhamaanayn. Labada kooxod ee bannaanka isku haystay ayaa ku hirdamaaya qasriga gudihiisa.
Kooxahan mustaqbal fog uma diyaarsana, waxaan ka ahayn maanta noolaada. Qaranku wuu ka qiimo badanyahay maalin quudashadii. Halgan weynbaa hor yaal dhallinyarada Somaliland. Mustaqbalka la leexsaday iyo manfaca dhanka u janjeedhaa waa kii ka dhexeeyay Laas-qoray illaa Lawyacaddo. Sidaasaa loo kala qoqobaanayaa inta danahu hagayaan dawladnimada ee aan laga fekerayn sidii loo wadaagi lahaa dawladnimada innaga dhaxaysa.

W/Q MaxamedSidiiq Dhamme

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top