Connect with us

somalilandtoday.com

Muddaharaadyo Ka Dhan Ah Xukunka Madaxweyne Cumar Al-Bashiir Oo Gilgilay Guud Ahaan Dalka Suudaan

focus

Muddaharaadyo Ka Dhan Ah Xukunka Madaxweyne Cumar Al-Bashiir Oo Gilgilay Guud Ahaan Dalka Suudaan

(SLT-Khartoum)-Booliska dalka Suudaan ayaa qiiqa dadka ka ilmeysiiyo u adeegsaday in ay ku kala eryaan dad dhigayay dibadbaxyo rabshada wata oo ka dhan ah dowladda, rabshadahaasi oo ku faafay inta badan magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi.

Boqolaal qof oo dibadbaxyo dhigaya ayaa shalay oo Axad ahayd xiray waddo weyn oo gasha garoon kuwa kubadda cagta ah, ka hor inta aysan isku dhicin dadkaasi iyo ciidamada booliska ee ka hortagga rabshadaha.

Siyaasiinta mucaaradka ayaa sheegaya in 22 qof ay dhinteen tan iyo markii ay muddaharaadyadu billowdeen maalintii arbacada ahayd ee la soo dhaafay, balse saraakiisha dowladda ayaa sheegaya in tiradu ay intaasi aad uga yar tahay.

Dibadbaxyada ayaa ka dhashay sara-kac ku yimid qiimaha rootiga iyo shidaalka.

Muddadii sanadka ahayd ee la soo dhaafay, waxaa sii sara kacayay qiimaha badeecooyinka qaar ee dalkaasi Suudaan, waxaana heerka sicir bararku uu gaaray ku dhawaad 70%, halka lacagta dalkaasi uu ku yimid qiimo dhac aad u weyn. Lacagta ayaa gabaabsi noqotay maagaalooyinka eec sida caasimadda Khartuum .

Koox dhakhaatiir ah ayaa sidoo kale sheegay in laga billaabo maanta oo Isniin ah ay shaqo joojin billaabayaan, si ay cadaadiska ugu kordhiyaan madaxweyne Cumar Al-Bashiir.

Xaaladdii ugu dambeeyay?
Rabshadihii dhacay shalay oo Axad ahayd ayaa ka dhashay dad ka soo baxayay garoon lagu cayaaro kubadda cagta oo ku yaal magaalada Khartuum.

Dadkani ayaa xiray waddooyinka, waxa ayna ku dhawaaqayeen ereyo ka dhan ah dowladda balse booliska ka hortagga rabshadaha ayaa markii dambe sunta dadka ka ilmeysiiso ku kala eryay.

Mar sii horreysay, ayaa muuqaallo la soo dhigay baraha xiriirka bulshadu waxa ay muujinayeen dibadbaxyo ka socdo meelo badan oo ka tirsan dalkaasi.

Golaha dhexe ee dhakhaatiirta reer Suudaan ayaa sheegay in dhakhaatiiroodu ay arkeen dad dibadbaxayaal ah oo qaba dhaawacyo rasaas oo la keenay isbitaalada, waxa ayna intaasi ku dareen in ay jiraan dhimasho iyo dhaawacba.

Maalintii Sabtida ahayd ayaa mas’uuliyiinta dalkaasi Suudaan waxa ay xabsiga dhigeen 14 hoggaamiye oo ka tirsan isbahaysiga mucaaradka, waxaana sida uu sheegay afhayeenka isbahaysigaasi dadka la xiray ka mid ah hoggaamiyaha isbahaysigaasi Faaruuq Abuu Ciisa oo 85 jir ah.

“Waxaan dalbaneynaa in si deg deg ah loo sii daayo dadkaasi. Xarigooda ayaa ah isku day ay dowladdu ku dooneyso in ay kaga hortagto dibadbaxyada,” ayuu yiri afhayeenka isbahaysigaasi mucaaradka Sadiiq Yuusuf.

Mucaaradku maxay leeyihiin?
Sadiiq Al-Mahdi oo ah hoggaamiyaha xisbiga ugu weyn mucaaradka dalkaasi ee Umma ayaa cambaareeyay “caburinta shacabka dalkaasi” waxa uuna sheegay in dibadbaxyadani ay ka dhasheen xaaladda sii xumaaneysa ee dalkaasi.

Waxa uu sidoo kale ugu baaqay dowladda Madaxweyne Cumar Al-Bashiir in ay ogolaato in si nabad ah ay xukunka u wareejiso, haddii kale buu yiri ay wajihi doonto kacdoon shacab.

Sadiiq Al-Mahdi oo muddo laba jeer ah ra’iisalwasaare ka soo noqday dalkaasi ayaa Arbacadii la soo dhaafay ku soo laabtay dalkiisa oo uu muddo ku dhawaad sanad ah uga maqnaa musaafuris.

Dowladdii Sadiiq Al-Mahdi ayaa ahayd tii ugu dambeysay ee dimuquraadi ah oo la soo doorto ka hor inta uusan Al-Bashiir inqilaab milatari xukunka kula wareegin sanadkii 1989.

Madaxweyne Al-Bashiir ayaa lagu eedeeyaa in uu xasuuq ka geystay gobolka Daarfuur ee galbeedka dalkaasi Suudaan, waxaana waraaqdii lagu soo xiri lahaa u jartay maxkamadda caalamiga ahi ee dambiyada dagaalka.

Sidee ayay dibadbaxyadu ku billowdeen?
Dibadbaxyada dalkaasi Suudaan ayaa ka billowday magaalada Cadhbara ee ku taal bariga dalkaasi, halkaa oo dad dibadbaxyo dhigaya ay gubeen xafiisyada xisbiga madaxweyne Al-Bashiir ee Al-Mu’tamar Al-Wadhani.

Dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegay in meelaha qaar la arkayay ciidamada milatariga oo u muuqda in ay la safteen dadka shacabka ah ee dibadbaxyada dhigayay.

Feysal Xasan Ibraahim oo ah la taliyaha madaxweynaha aya sheegay in laba ka mid ah dadkii lagu dilay Al-Qadhaarif ay ahaayeen ciidamo ka tirsan milatariga oo xirnaa dharka dadka rayidka ahi.

Waxa uu sheegay in dibadabxyadaasi ay hagayeen kooxo abaabulan balse ma uusan caddeyn cidda ay yihiin.

Dibadbaxyada ayaa ku baahay magaalooyinka Khartuum iyo Omdurmaan iyo sidoo kale magaalooyin kale.

Maalintii Sabtida ahayd ayaa wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganeysa dad goobjoogeyaal ahi waxa ay sheegtay in boolisku ay qeyb ka mid ah magaalada Khartuum ku garaaceen dad ku baaqayay in madaxweyne Al-Bashiir uu dhaco.

Deegaanka El Rahad ee ku yaal koonfur-galbeed Khartuum, xafiiska xisbiga haya talada dalkaasi ee Al-Mu’tamar Al-Wadhani iyo xafiisyada kale ee maamulka ayaa dab la qabadsiiyay, waxaana dadka dibadbaxyada dhigaya oo ku dhawaaqaya “ma ogolin gaajadu” sunta dadka ka ilmeysiiso ku kala eryay ciidamada booliska, sida ay sheegeen dad goobjoogeyaal ahi.

Maxaa keenay dhibaatada dhaqaale ee Suudaan?
Mareykanka ayaa sanadkii 1990-kii waxa uu madaxweyne Al-Bashiir ku eedeeyay in uu maal-galiyo argagixisada, waxaana markiiba dalakasi Suudaan lagu soo rogay xayiraad ganacsi.

Sanadkii 2011-kii, Suudaanta Koonfureed ayaa ka go’day Suudaan inteeda kale, waxaana arrintaasi ka dhashay in saddex meelood meel khayraadka dalkaasi uu qaniga ku ahaa uu maro dhinaca Suudaanta Koonfureed.

Dhanka kale, colaadda ka taagan gobolka galbeedka ku yaal ee Daarfuur ayaa 2,000,000 oo qof ku khasabtay in ay ka qaxaan guryahooda, waxaana sidoo kale ku dhintay in ka badan 200,000 oo qof.

Cunaqabatayntii uu Mareykanka saaray Suudaan ayaa la qaaday sanadkii 2017-dii, laakiin wax weyn oo horumar ah lagama gaarin dhaqaalaha dalkaasi.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top