Connect with us

somalilandtoday.com

Ciidammada Booliska Oo Albaada U Laabay, Lana Wareegay Hudheel Caan Ah Oo Ku Yaalla Magaalada Hargeysa.

focus

Ciidammada Booliska Oo Albaada U Laabay, Lana Wareegay Hudheel Caan Ah Oo Ku Yaalla Magaalada Hargeysa.

(SLT-Hargeysa)-Ciidammada booliska Somaliland ayaa albaada u laabay lana wareegay hutelka Almis oo ku yaalla magaalada Hargeysa.


Huteelkan la xidhay ayaa waxa uu ku yaalla xaruntii Khayriyada ee magaalada Hargeysa waxaanu hore ugu wareejisay dawladda hoose ee Hargeysa.


Wararka aanu helayno ayaa waxa ay sheegayaan in sidoo kale xabsiga loo taxaabay mulkiilihii hudheelka oo lagu magacaabi jiray Xaaji Xuseen Ibraahim.


Warar dheeraad ah oo helayno ayaa waxa ay sheegayaan in xukuumadda Somaliland ayaa waraaqo digniin ah u keentay mulkiilaha Hudheel taasi lagu amrayo in uu ka baxo hudheelka oo uu baneeyo.


Dawladda hoose ee Hargeysa ayaa Xaaji Xuseen Ibraahim ku wareejisay guriga khayriyada wakhtigii xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo.
Illa hadda wax war kamay soo saarin xukuumadda Somaliland iyo ciidammada boolisku.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top