Connect with us

somalilandtoday.com

Akhriso: Xog Ku Saabsan Macallin Jaamacadeed Maanta Lagu dilay Muqdisho

focus

Akhriso: Xog Ku Saabsan Macallin Jaamacadeed Maanta Lagu dilay Muqdisho

Macallin ka tirsanaa macalimiinta wax ka dhiga jaamacadaha Muqdisho ayaa saaka lagu toogtay agagaarka Haanta-dheer ee dagmada Dayniile.

Maxamed Axmed Oongooye oo ah macalinka la toogtay waxaana la dilay kadib markii gaadhi uu watay lagu joojiyay halkaasi, waxaana dad goobjoogayaal ah tilmaameen in dhowr xabadood madaxa looga dhuftay.

Dilkan ayaa waxaa geystay dhaliyaro bastoolado ku hubaysanaa, waxa ayna isaga baxsadeen goobta ay dilka ka geysteen, Oon-gooye waxaa uu ifka uga tagay seddex caruura iyo mid uurka lagu sido. Macalinka ayaa ahaa wiil dhalin yara ah oo 30 ku jira ah sida ay u sheegeen qaar ka mid ah asxaabtiisa.
Maxamed Axmed , waxbarashadiisa ilaa heerka dugsiga sare waxaa uu ku soo qaatay dalka Kenya, waxaa uu waddan-ka ku soo laabta sanadkii 2014-kii, waxaa uuna heerka 1aad jaamacada ka bilaabay jaamacada Horn of Africa ee magaalada Muqdisho, waxaa uuna ka baxay 2017kii, isaga oo bilaabay inuu jaamacada Horn of Africa iyo jaamacado kale uu ka bilaabay luqadda Ingiriiska, waxaa kale uuna ka tirsanaa wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top