Connect with us

somalilandtoday.com

Wiil Dhalinyaro Ah Oo Dhacdo La Yaab Noqotay Dadka Ka Sameeyay Dalka Pakistan Si Uu Raysal Wasaare U Noqdo.

advertise

Wiil Dhalinyaro Ah Oo Dhacdo La Yaab Noqotay Dadka Ka Sameeyay Dalka Pakistan Si Uu Raysal Wasaare U Noqdo.


(SLT-Pakistan)Caasimadda dalka Pakistan ee Islamabaad waxaa shalay oo Sabti ahayd ka dhacday Arrin Mucjiso, kadib, markii uu Wiil Dhallinyaro ah koray Taawar ay lahayd Shirkad Mobayl (a moble tower), wuxuuna qeylo-dheer ku sheegay inuu doonayo in laga dhigo Ra’isul-wasaaaraha dalkaasi.

Telefishinka Geo News ee ugu caansan Telefishinadda dalka Pakistan ayaa soo weriyey in Wiilka dhallinyarada oo magaciisa la qariyey sheegay haddii laga dhigo Ra’isul-wasaare inuu hagaajin doono xaalladda Dhaqaalaha Pakistan, isla markaana uu 6 bilood gudaheeda ku bixin doono lacagaha daynta ee lagu leeyahay Pakistan.

Wiilkaasi oo ka soo jeeda Degmadda Sargodha ayaa la sheegay inuu hdaalkaasi codsiga uu ka dul sheegay dhakadda Tawarka Mobayladda oo ku yaalla Deegaanka Bulugga ee magaalladda Islamabaad, isagoo weliba gacanta ku haystay Calanka Pakistan.

Waxa kale oo uu sheegay inuu doonayo inuu la hadlo Ra’isul-wasaare Iraam Khaan ama Sarkaalka Boliska ee Degmadda Sargodha.

Si kastaba ha ahaatee,Saraakiisha Badbaadada ayaa adeegsaday Wiish, si ay Boliska uga caawiyaan in Wiilka Dhallinyarada lagu qanciyo in laga soo dejiyo Tawarka uu dhakada ka koray.

Wiilka dhallinyarada markii la soo dejiyey waxaa loo gudbiyey Saldhig Bolis, mana kala cadda inuu Ra’isul-wasaaraha Pakistan la kulmi doono iyo in lagu sii hayn doono Xabsiga.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in advertise

To Top