Connect with us

somalilandtoday.com

Kooxaha Al-shabaab Iyo DAACISH Oo Isku Ugaadh Sanaaya Soomaliya.

advertise

Kooxaha Al-shabaab Iyo DAACISH Oo Isku Ugaadh Sanaaya Soomaliya.


(SLT-Muqdisho)Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in Saacadihii la soo dhaafay Al Shabaab gobolkaasi ay ku dileen Sarkaal hore uga tirsanaa oo haatan ku biiray Kooxda Daacish faraceeda Soomaaliya..

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray C/risaaq Maxamed Cumar Dayib, waxaana la sheegay in dhawaan uu ka baxay Al Shabaab, kuna biiray kooxda Daacish.

Dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ayaa la sheegay in weerar ay ku qaadeen Sarkaalkani oo ku sugnaa deegaanka Ceel-Cadde ee G/ Gedo,kuna dileen halkaasi.

Sidoo kale Al Shabaab ayaa amray in la Toogto C/naasir Yuusuf Cabdulle Shabeel oo horay uga tirsanaa iyaga, balse dhawaan ku biiray Daacish.

C/naasir Shabeel ayaa isaga iyo Dagaalyahanno uu wato waxaa la sheegay in ay ku sugan yihiin qeybo ka mid ah deegaanka Ceel-Cadde ee gobolkaasi.

Xiisad ka dhalintay arrintan, ayaa lagu soo warramayaa in saaka ay ka taagan tahay gudaha deegaankaasi.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in advertise

To Top