Connect with us

somalilandtoday.com

Abwaanada Ugu Caansan Geyiga Soomaalida Oo Hadraawi Ku Booqday Gurigiisa Burco+SAWIRRO

English

Abwaanada Ugu Caansan Geyiga Soomaalida Oo Hadraawi Ku Booqday Gurigiisa Burco+SAWIRRO

(SLT-Burco) Abwaanada waa wayn ee Ugu caansan dhulka Soomaalida ayaa gurigiisa Burco ku booqday Abwaanka Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) . Jaamac Muuse Jamac oo kamid ah Dadka dhaqanka Soomaalida uruuriya ayaa qoraalkan ka diyaariyay.

Galab galbaha kale iiga suntan:

Dacar: “Waar yaa Hadraawi, maxaad Cabdi Qays ku ogayd?” Hadraawi: “Dee waxaan ku ogaa Cabdi Aadan Xaad, iyagu “Qays” uun bay yidhaahdeene”.

Dacar: Xasan Ganeyna waa kan
Hadraawi: Alla waa walaakey.

Kolka Hadraawi ay saaxiibbadii gurigiisa ugu tagaan: Maxamed Aadan Dacar, Maxamuud Maxamed “Dheeg”, Cabdi Aadan Xaad “Qays”, Xasan Xaaji Cabdillaahi “Geney”, Muuse Cali Faruur, Yuusuf Cismaan Cabdille, Siciid Jaamac Xuseen; ee iyadoo la kaftamayo uu Rashiid Sheekh Cabdillaahi “Gadhweyne” ka soo hadlo Shefield.

Kolka uu Hadraawi mid kasta magaciisa oo saddexan iyo naanaysta u raaciyo ee ka qosliyo ee uu kaga qiireysiiyo dhammaantooda kolka uu yidhaahdo “Subxaanaka yaa cadiim: 11 qof oo sidaa isu waji garanayay goormaa iigu danbaysay?”

Ilaahayow wanaag ugu doori booqashada inta saaxiib ee maanta soo booqatay walaalkood. Ilaahayow Hadraawi caafimaad taam ah sii oo wanaagga wajigiisa maanta ka muuqdey u siyaadi. Ilaahow boqoradda Hodan ka yeel dusheeda samaan, aakhirana wanaag ugu doori niyadwanaaggeeda iyo kartireeda.

Galab galbaha iiga duwan, sawirka Xasan Ganay ee salaanta Hadraawina sawirrada iiga duwan.

Soo duceeya.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in English

To Top