Connect with us

somalilandtoday.com

“Raysal Wasaare Abiy Ahmed Waxa Uu Sare U Qaaday Xidhiidhka Itoobiya Iyo Somaliland” Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur

News

“Raysal Wasaare Abiy Ahmed Waxa Uu Sare U Qaaday Xidhiidhka Itoobiya Iyo Somaliland” Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur

(SLT-Muqdisho)-Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir ee dalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay aragtida uu ka qabo safiirka cusub ee dowladda Itoobiya usoo magacowday Jamhuuriyadda Somaliland Shamsudiin Axmad Rooble.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Dr Abey Axmed uu kor qaaday meeqaamka ay Somaliland ka taagnayd dalka Itoobiya ka dib markii usoo magacaabay Safiir buuxa. “Shamsudiin Axmad Rooble waa safiirka Itoobiya dhowaan u magacawday Somaliland. Sannadkii 2008 ee wada hadalka Jabuuti uga socday Isbahaysiga ARS iyo TFG, Shamsudiin wuxuu ahaa safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya dalka Jabuuti. dhowr jeer ayaa anigga iyo wafdigii aan hor kacayey shirka wadahadalka kaga baxnay in Itoobiya shirka laga saaro. Maalin Jimce ah ayaan Masjidka wayn ee Jabuuti isku aragnay. Shamsudiin wuxuu ugu yidhi “Waryaa Cabdi, Masjiidkana miyaad iiga baxaysaa”. Shamsudiin waxaan mar kale isku aragnay isagoo ah Safiirka Itoobiya u fadhiya Wadanka Kenya. Su’aasha waxay tahay Shamsudiin waa safiir. Safiir na ma qabto xil qunsuliyadeed. Haddaba sow lama oran karo Abiy Ahmed wuxuu sare u qaaday xidhiidhka itoobiya iyo Somaliland?” ayuu ku yidhi qoraal kooban oo usoo dhigay boggiisa twitterka .

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in News

To Top