Connect with us

somalilandtoday.com

Xukuumadda Muqdisho Oo Shacisay In Kooxda DAACISH Soo Gashay Gudaha Dalka Soomaliya.

focus

Xukuumadda Muqdisho Oo Shacisay In Kooxda DAACISH Soo Gashay Gudaha Dalka Soomaliya.


(SLT-Muqdisho)Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in xubno ka tirsan kooxda Daacish ay ku soo qul quleen qeybo ka mid ah Magaalooyinka waa weyn ee Soomaaliya.

Waxaa ay wasaarada amniga Xukuumadda Farmaajo shaaca ka qaaday in dowlada soomaaliya ay ka war hayso xubnaha Daacish ee ku sugan Gobalada dalka, islamarkaana waxaa ay tilmaamtay in tilaabo adag ay ka qaadi doonto arintaasi, sidaasi waxaa shirka Golaha Wasiirada ee Xukuumada Soomaaliya ka sheegay Wasiiru dowladaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud.

Balse Xukuumada Soomaaliya ma sheegin Magaalooyinka ay joogaan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Kooxda Daacish ayaa mudo badan waxaa ay sheegteen masuuliyada dilal ka dhacay Gobalada Dalkaasi Soomaaliya, sida Gobalka Banaadir, Shabeelaha Hoose iyo Gobolka Bari.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top