Connect with us

somalilandtoday.com

Masuuliyiintii Maamulka Magaalo Xuduudeeda Lawyacado Ee Somaliland Oo Xabsiga Lagu Guray, Iyo Dhacdo Layaableh Oo Si Weyn U Gil-Gishay Magaaladaasi Oo Xadhigan Sababtay.

News

Masuuliyiintii Maamulka Magaalo Xuduudeeda Lawyacado Ee Somaliland Oo Xabsiga Lagu Guray, Iyo Dhacdo Layaableh Oo Si Weyn U Gil-Gishay Magaaladaasi Oo Xadhigan Sababtay.

(SLT-Hargeysa)-Maamulihii Kastamka Lawya-Cado Yaxye Maxamed Sheekh Saleebaan, Taliyihii Laanta Socdaalka Lawyacado Fu’aad Caabi iyo Taliyihii Ciidanka Bariisle ee xarunta ku leh duleedka Koonfureed ee Lawyocado ayay Xukuumaddu xabsiga ku gurtay, waxaana si weyn looga hadal hayaa Xadhiga maasuuliyiinta Magaalada Xuduuda Somaliland ee Dhinaca Dalka Jabuuti ku taala ee Lowyacado ee Gobolka Salal ee Xeebta Woqooyi ee Somaliland.

Masuuliyiintan ayaa sida Wargeyska Foore ku helay waxa ay ku kala xidhan yihiin dhawr meelood. Maamulaha Kastamka Lawyacado Yaxye Maxamed Sheekh ayaa isagu waxa uu ku xidhan yahay Xarunta Laanta Dambi Baadhista Hargeysa oo sida lanoo xaqiijiyay Habeen hore loo soo gudbiyay, halka uu Taliyihii Socdaalka Lawya Caddo Fu’aad Caabi isagu ku xidhan yahay Xerada Ciidankiisa ama Xarunta Guud ee Laanta Socdaalka Somaliland ee Hargeysa. Sidoo kale Taliyiin Ciidanka Bariisle oo isna lasoo dhaadhiciyay ayaa sida la sheegay ku dhex xidhan Xero Ciidan oo Hargeysa kutaala, waxaana saddexdooda lagu hayaa Baadhis xoogan oo isla meel uu ku wad aroorta islamarkaana la xidhiidhay shaqadooda.

Inkasta oo ay Warar iska khilaafsani kasoo baxayaan Xadhiga Masuuliyiintan, haddana illo wareedyo lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore helay ayaa noo xaqiijiyay in xadhiga masuuliyiintani uu ka bilawday Muran ka dhashay Tuulo yar oo u dhexaysa Dooxa la yidhaa Indha Biraale iyo Magaalada Lowyado Cado oo la yidhaa XAMAAM oo la baabiiyay dhawanaan kadib markii ay Dawladda Jabuuti ka cabatay in kootarabaanka Dalkeeda kasoo gala Dhinaca Somaliland lagu soo farsameeyo. Taliyaha Ciidanka Booliiska Jabuuti Cabdilaahi Cabdi iyo Wafti uu hogaaminayo ayaa horaantii bishan Tuuladaasi indho indhayn ku yimid islamarkaana masuuliyiinta Gobolka Salal kala heshiiyay in Tuuladaasi la baabiiyo, balse sida ay noo xaqiijiyeen Dad ku sugan Magaalada Lawyo Cado, waxaa markii Dambe khilaaf arintaasi ku saabsani ka dhex istaadhmay masuuliyiintan Xidhan iyo Badhasaabka Gobolka Salal Mawliid Maxamed Nuur,khilaafkaasi oo gaadhay in masuuliyiintaasi lasoo xidh xidho.

Axmed Muuse oo ka mid ah Dadka Xog ogaalka ah ee ku sugan Magaaladda Lawyo Cado oo Wargeyska Foore khadka Telefanka kula xidhiidhay ayaa waxa uu yidhi “Dawladda Jabuuti ayaa tidhi meeshaasi Xamaamka la yidhaa halanaga dumiyo, mashruuc yar ayay ku bixiyeen (Kharash), markaa Mashruucaas yar ee Xagga jabuuti laga soo bixiyay ayuunbuu ka dhashay Khilaafkani, oo dacwadan, buuqan iyo Qayladan faraha badan ee illaa imika soo gaadhay Madaxtooyaddu waxa uu ka yimid Mashruucaasi yar ee dhaqaalaha ah ee Jabuuti ku bixisay, ee Meesha lagu baabiinayay, uunbay ka xidhan iyo ka wax dacweeyay ee Badhasaabku ay isku khilaafeen, waa lakala hororsaday oo waxa u gacan fududaaday Qoloda Kastamka, markaa gacan fududaydkaasi looga gacan fududaaday Badhasaabka ee uu isna Habeenimadii ogaaday Badhasaabku ayuu khilaafkaasi yimid, waa aduunyo waxan la isku haystaaye waxan oo dhan waa la isla ogolaa marka hore”. Ayuu yidhi

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi“Wafti uu Taliyaha Jabuuti hogaaminayay ayaa yimid dhawaan si uu u eego sida loo Fuliyay mashruucii, marka hore waxay ahayd inuu Badhasaabku Waftigaasi soo daadihiyo, oo meeshii laga raray dadkii Xamaam deganaa iyo meeshii loo raray uu isagu soo tuso, kabacdi markii uu maqlay in shaqadii loo gacan waydaartay oo qolaadaasi maamulka Kastamku u gacan waydaartay ayuu qolada laanta socdaalka ku amray inaanu taliyaha Jabuuti soo galin Gudaha Somaliland, kabacdi Maamulka Kastamka lawya Caddo iyo Taliyaha Socdaalka Lawyacaddo ee Somaliland ayaa taliyihii Jabuuti soo galbiyay oo geeyay goobtii la baabiiyay markaasi ayuu Badhasaabku maqlay oo uu qaylo dhaantan faraha badan leh ee nasoo gaadhaysa ee ah waan iscasili iyo haddii wax laga qaban waayo, waa markii dambe ee uu arintani ogaaday, markaa nuxurku waa la isla ogolaa ayay ahayd ama Jabuuti ha kormeerato ama yaanay kormeerin, Baytal Qasiirkuna waxa uu ahaa Mashruucii yaraa ee ay Jabuuti bixinaysay ayuunbaa la yar kala hororsaday, oo lakala badsaday, oo loo gacan waydaartay Badhasaabka halkuu isagu ka qaabili lahaa ee uu ka qaadi lahaa ayay sidaasi u dhacday,waana laga wada dharagsan yahay Lawyacado”. Ayuu hadalkiisa kusoo koobay Axmed Muuse.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in News

To Top