Connect with us

somalilandtoday.com

Dowladda Shiinaha Oo Xidhay Haweeney U Dhalatay Dalka Canada

focus

Dowladda Shiinaha Oo Xidhay Haweeney U Dhalatay Dalka Canada

(SLT-Beijing)-Dowladda Shiinaha ayaa ku tilmaamay xarig haweeneey u dhalatay dalka Canada oo lagu xiray Shiinaha mid ku yimid sababo la xiriira haweeneydan oo si sharci darro ah uga shaqeyneysay Shiinaha.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha Hua Chunying oo maanta la hadashay wariyaasha, ayaa xaqiijiyay in qofka la xiray ay tahay Sarah McIver. Ma sheegin faah-faahin dhaafsiisan in loo xiray sababo la xiriira iyadoo dalka ka shaqeysay ruqsad la’aan.

Warbaahinta Canada ayaa sheegay in McIver ay tahay macallimad.

Ra’isul wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa Arbacadi sheegay in dowladiisu ay isku dayeyso in ay hesho xog faah-faahsan oo ku saabsan kiiska macallimadan.

Laakin waxay u muuqataa in xarigeeda uusan xiriir la laheyn xariga dalka Canada logu geystay haweeneey Shiinees ah oo madax ka ah shirkada ugu weyn dhinaca isgaarsiinta Shiinaha ee Huawei.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top